Isu socodkii u dhaxeeyay Puntland iyo Somaliland oo la joojiyay

Image

GAROOWE, Puntland - Maamulka gobolka Nugaal ayaa ku dhawaaqay in isu socodkii u dhaxeeyay deegaanada Puntland iyo Somaliland la joojiyay, kadib markii shalay uu dagaal ka dhacay Tukaraq.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa shaaciyay in go'aan kasoo baxay dowladda lagu hakiyay gaadiidkii ka tagi jiray Puntland ee aadi jiray Somaliland iyo kuwii ka imaan jiray Somaliland.

Wuxuu sheegay in illaa amar dambe aysan jiri doonin wax dhaq dhaqaaq ah oo u dhaxeeyay Somaliland iyo Puntland, marka laga reebo gaadiidka ay wataan Mas'uuliyiinta dowladda iyo Ciidamada qalabka sida.

Faraweyne ayaa xusay in ay jiraan xaalado la xiriiro xiisado colaadeed, ayna dib ka soo sheegi doonaan amarka dambe ee lagu furayo wadooyinka isku xira labada maamul.

Gaadiidkii ku socday Somaliland ayaa ku kala xayiran magaalada Garoowe halka kuwii kasoo baxay Somaliland ay hakad ku galeen degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Xiisadda taagan ayaa ka dhalatay Safarkii dhawaan Wasiirka Qorsheynta dowladda Federaalka Jamaal Maxamed Xasan uu ku tagay degaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag, taasi oo sababtay in shalay Somaliland ay duulaan kusoo qaado Tukaraq oo horey u joogeen ciidamada Puntland. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM