Koox Al-Shabaab ah oo ka Baxsatey Aqal Madaxtooyada Puntland ku Daryeeleysay

Image

GAROOWE- Waxaa magalada Garoowe ka baxsadey habeenkii xalay aqal lagu xanaaneynayey koox Al shabaab ah oo tiradooda lagu qiyaasey 10 kuwasoo kamid ah maxaabiis lagu soo qabtey weerar kooxaha argagixisada ah horey ugu soo qaadeen tuulooyinka Garacad iyo Suuj ( Gobolada Mudug iyo Nugaal) ee Puntland.

Kooxdaan oo da’dooda la musuqmaasuqey lana sheegey in aan Maxkamad lasoo taagi karin ayaa waxaa mashruuc ku qaatey nin ay aad isugu dhow yihiin Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Ninkaan oo magaciisa la yiraahdo Cabdifatax Suggule ahna ganacsade ayaa sida warsidaha Garoowe Online ogaadey mashruuc ku qaatey dhaqan celinta dadkaan lagu sheegey caruurta.

Warsidaha GO ayaa horey u ogaadey in markii maxaabiistaan lagu qabtey dagaaladii ka dhacey Garacad iyo Suuj baaritaano lagu sameeyey lagu ogaadey in 10 kamid ah  da’adoodu ka yareyd 15 sano halka kooxda mashruucaan wadatey oo xiriir la leh Madaxtooyada Puntland xiriiro ay la sameeyeen hay’adihii ku shaqo lahaa ay gaarsiiyeen 40 maxbuus.

Dhinaca warsidaha GO ayaa ogaadey qaar ka tirsan hay’adaha shaqaalaha Hay’ada UNICEF ee Garoowe ay u sahleen nin la yiraahdo Cabdifatax Sugulle inuu qaato mashruuc lagu  xanaaneeynayo maxaabiis Al shabaab ah oo tiradoodu gaareyso 40.

Mashruucaan oo wajigiisu hore lagu bixinayey lacag gaareysa 500,000 Dolar ayaa sida la rumeysan yahay hay’ada lacagta bixineysay aysan marin hubin sax ah (Proper Process) iyo in dadkaan da’adooda sida lagu sheegey tahay.

Dadka dagan magalaada Garoowe ayaa muddo walaac ka muujinayey amaanka kooxdaan lagu hayey gurri ku dhex yaal magaalo madaxda Puntland kuwasoo ilaalo ay ka ahaayeen markii ay baxsanayeen askar isugu jirta Booliis iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Saraakiil ka tirsan Booliska Puntland ayaa Garowe Online u sheegtey in ay baadi goob igu jiraan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxdaan baxsatey.

Madaxweynaha Puntland ayaa horey hay’adaha Qaramada midoobey ugu eedeeyeen siyaasada ku saleysan qabashada iyo sii daynta Maxaabiista Al Shabaab (Catch and Release Policy) isagoo xabsiyada kasii daayey shaqsiyaad ka tirsanaa kooxdaan oo dilal lagu xakumey.

Maxaabiistii lagu qabtey dagaaladii kooxda Al shabaab ku soo qaadey tuulooyinka Garacad iyo Suuj ee Puntland sanadkii 2016 ayaa sida wararka aan ku heleyno qaarkood xabsiyada laga sii daayey sababo aan la shaacin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM