Madaxda Puntland oo diidey shaqo joojin lagu sameeyey Taliyihii Qaybta Barri

Image

BOOSAASO- Kadib markii maanta Feb 8,2018 guddiga Nabad galyada gobolka Barri shaqada ka joojiyeen Taliyaha qaybta Booliiska Halkaan ka akhri  ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxda sare ee Puntland (Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa) diideen go'aanka siyaasiyiinta dowlada kaga jirta gobolkaas.

Madaxweynaha Puntland oo la hadlay qaar ka tirsan xubnahaan ayaa wararku sheegayaan inuu ku yiri kama joojin kartaan halka dhinaca kale uu ka shanqariyey in guddi loo xilsaarayo soo baara eedymaha loo jeedinayo Taliyaha qaybta booliska gobolka barri.

Wararka GO helayo ayaa sheegaya in labadaan mas'uul gobolka Barri u soo direen Taliye ku xigeenka Booliska cusub ee dhowaan Madaxweyne Gaas magacaabey " Afdalow" iyo Wasiirka amniga sidii arinkaan wax uga ogaan lahaayeen.

Xubnaha guddigaan ayaa sida aan xogta ku helyno go'aankooda ku adkeysanaya iyagoo diidey iney la shaqeeyaan Taliyahaan lagu eedeynayo ku takrifalid awoodeed.

Taliyaha qaybta ee shaqada laga joojiyey Cabdixakiim Xuseen Yuusuf ayaa sida aan kasoo xiganey qaar ka tirsan ciidamada Booliska oo diidey magacooda ayaa habeenkii weerarka loo gaystey Saldhiga Dhexe aan gurigiisa kasoo bixin iyadoo warar qaar sheegayaan in uusan booqan isbitaalka la geeyey dhaawaca ciidamada weerarkaan waxyeelada kasoo gaartey.

Xaalada magaalada Boosaaso ayaa waxaa laga dareemayaa xiisad u dhexeysa Taliyaha shaqada laga joojiyey iyo madaxda gobolka iyadoo jidadka lagu arkayo  Cabdixakiim Xuseen Yuusuf iyo ciidamo uu wato oo wareegaya wadooyinka halka Gudoomiyaha gobolka la sheegey iney ilaaladiisa gaarka ah uu xoojiyey.

Madaxweynaha Puntland iyo Taliyaha qaybta oo isku beel hoose ah ayaa waxaa horey dacwad uga gudbiyey dadweynaha gobolka Barri iyo siyaasiyiinta balse arinkaas ayuu ku gacan sayrey iyadoo talaabada shaqada waqtigaan looga joojiyey ka dhigeysa mid kor u qaadeysa xiisada gobolka oo horey u kacsaneyd.

Kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysta gobolka Barri ayaa ka faa'ideysta khilaafyada noocaan ah iyadoo amaanka magaalada Boosaaso ahaa mid aad u liita markii hore kadib markii hay'adaha amniga gobolka iyo Puntland guud ahaan noqdeen kuwo fadhiid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM