Madaxweynaha Puntland oo tagay Carmo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

CARMO, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa galinkii dambe maanta gaaray degmada Carmo ee gobolka Bari, halkaasoo la qorshaynayo in maalinta barri ah ay ka dhacdo caleemo-saarka Beeldaajaha Cali Saleebaan, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil.

Gaas, waxaa socdaalkan ku weheliyay xubno katirsan dowladda iyo saraakiil kale oo katirsan Madaxtooyada, waxaana uu caawa u hoyan doonaa magaalada Carmo.

Soo dhaweyn diiran ayaa loogu sameeyay Madaxweynaha gudaha magaalada Carmo, halkaasoo ay ku suganyihiin dad aad u badan oo isaga kala yimid daafaha Soomaaliya iyo Caalamka iyagoo doonaya inay goob joog ka ahaadaan Caleema-saarka Beeldaajaha.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uusan u gudbin hoyga uu ka sugnaan doono maalamaha uu ku sugan yahay Degmada Carmo, wuxuu Booqasho iyo salaan ugu tagey Beeldaajaha Guud ee Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje  Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdulaahi isagoona Madaxweynuhu u hambalyeeyey Beeldaajaha islamarkaana Allaah ugu barya inuu u fududeeyo hawlaha muhiimka ah ee horyaala.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, ayaa shalay gaaray degmada Carmo isagoo in muddo ah ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Beeldaajaha ayaa ilaa shalay qaabilayay dadweyne, mas'uuliyiin iyo siyaasiyiin kala duwan kuwaasoo socdaal ku yimid degmada Carmo.

Xubnaha yimid waxaa ku jira mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, rag horay xilal kala duwan uga soo qabtay iyo shakhsiyaad caan ka ah Soomaaliya.

Qaban-qaban qaabo xoog leh ayaa socota, waxaana ka hartay waqtigii loogu talogalay xafladda muddo kooban iyadoo ilaa hadda ay degmadaas kusii qul-qulayaan dad doonaya inay ka qayb galaan xafladda Caleemo-saarka.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay, waxaana gudaha Carmo ku sugan ciidamada tiro badan oo sugaya nabad-galyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM