Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qardho

Image
Image

QARDHO, Puntland - Wafdi ballaaran oo ay hogaaminayaan Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hogaamiyaha Puntland ayaa gaarey magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karakaar.

Safar dhanka dhulka ah ayuu ku tagey Wafdiga Madaxweyne Farmaajo Qardho halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen mas'uliyiin, Odayaal dhaqan iyo dadweyne aad u badan oo kaga hortagey banaanka magaalada.

Wafdigan ayaa saaka ka amba-baxay magaalada Garoowe oo ay ku joogeen booqasho qaadatay saddex maalin, kadib markii uu yimid Axadii hore. 

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa la xariira sidii uu ugu kuurgali lahaa xaaladda guud ee dadka ku nool Puntland iyo ammaanka sida uu war-saxaafadeed uu qabtay Axadii hore ku sheegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Amaanka Qardho ayaa aad loo adkeeyay kahor imaanshaha Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay uga sii horeeyeen wafdi hordhac ah oo xalay halkaasi gaarey, sida ay sheegayaan Wararka Warsidaha Garowe Online.

Wafdi Madaxweynaha ayaa joogi doono Qardho mudo hal maalin ah, isagoo uga soo gudbi doono Magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari oo hadda ay ka socoto diyaar-garowga soo dhaweyntiisa.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Puntland oo soo billowday maalintii Axadii ee lasooa dhaafay ayaa waxa uu noqonayaa midkii ugu horeeyay tan iyo markii la doortey bishii Febuary ee 2017-dii.

Lugta ugu dambaysa ee safarkiisa waxa uu ku tagi doonaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo deegaanno kale oo katirsan Galamudug.

 

 

 

Wararka kale oo uu helayo Garowe Online, ayaa sheegaya in Farmaajo uu sidoo kale socdaal ku mari doono qaybo kamid ah gobollada dhexe ee dalka.

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli xukuumadda sannad jirka ah ay doonayso inay maamulka gaarsiiso dalka oo dhan, iyadoo horay u ballanqaaday inay doorashada dambe gaarsiin doonaan qof iyo cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM