Madaxweyne Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay Doorashada 2019

Image

GAROOWE, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwelii Maxamed Cali “Gaas”, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashada sanadka 2019, xilli laga digayo inuu mudo korarsi sameeyo.

Isagoo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa Madaxweyne Gaas sheegay in Doorashada Puntland la qaban doono waqtigii loogu tala galay, oo ah bisha January ee sanadka 2019.

Mar la waydiiyay inuu musharax yahay, ayuu Madaxweynaha ku jawaabay in arintaasi uu dib ka sheegi doono, isagoo beeniyay geesta kale wararka sheegay inuu damacsan yahay mudo korarsi inuu sameysto marka uu waqtigiisa dhamaado.

“Waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in aan doonayo mudo korarsi, anigu ma lihi awood aan taas ku sameeyo, doorashadana waqtigeeda ayay dhici doontaa oo ah 8-da January 2019,” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madasha Puntland Focus Group, oo ay ku midaysan yihiin Siyaasiyiin qaarkood xilal horey uga soo qabtay Puntland ayaa dhawaan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas ku eedeeyay in ay damacsan tahay mudo korarsi sharci darro ah.

Siyaasiyiinta ayaa ka digay dib u dhac ku yimaada waqtiga doorashada, taasi oo ay sheegeen inay keeni karta deganaansho la'aan siyaasadeed iyo kacdoon shacab, iyagoo dhanka kale ugu baaqay Madaxweynaha inuusan mudo korarsi sameynin.

Hadalka Madaxweyne Gaas ayaa imaanaya xilli magaalada Garoowe ay kulan ku yeelanayaan dhawaan Madaxda dowlad goboleedyada dalka, ee sanadkii tagey ku midoobay Shirkiii ay ku qabsadeen magaalada Kismaayo.

Wararka hoose ee uu Warsidaha Garowe Online uu helayo ay sheegayaan in Madaxweyniyaasha maamul goboleedyada ay kawada hadli doonaan arrimo uu kamid yahay sidii doorasho isku mar uga dhici lahayd Soomaaliya, taasi oo ay ku hoos jirto mudo korarsi ay madaxdan ay raadinayaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM