Maxaa diiradda lagu saarey Shirka Gollaha Wasiiradda Puntland?

Image
Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Calii Gaas, ayaa maanta oo Khamiis ah shir gudoomiyay Kulanka todobaadlaha ah ee Gollaha Wasiiradda dowladda Puntland.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saarey saddex qodob oo kala ah; amniga, Kobcinta Dakhliga dowladda iyo Wada-shaqeynta dowladda iyo Hay'adaha caalamiga ah.

Dhanka amniga, waxay Gollaha sheegeen in uu aad u wanaagsan yahay, iyagoo bogaadiyay Ciidamada howlgallada kawada gobollada Bari iyo Mudug, oo ah meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan weerarada.

Kobcinta Dakhliga, waxaa Shirka looga dooday sidii loo kobcin lahaa Dakhliga dowladda kasoo gala Canshuurta barriga, iyadoo hay'adaha bixiya qandaraaska loogu baaqay inay bixiyaan canshuurta.

Gollaha Xukuumadda waxay isla garteen in ay wada socdaan horumarka iyo xaaladda bini'aadanimo, iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta Hay'addaha caalamiga iyo kuwa QM ee ka howlgala Puntland.

Shirkan Gollaha Wasiiradda maanta ayaa kusoo beegmaya xilli la xaliyey khilaaf u dhexeeyey Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa. Halkan ka akhri Warbixinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM