Mooshin Xil-kaqaadis ah oo laga gudbiyay Maayarka Garoowe
GAROOWE, Puntland- Xildhibaano gaaraya 20 mudane oo katirsan golaha deegaanka Degmada Garoowe ee caasimadda Puntland, ayaa maanta wasaaradda Arrimaha Gudaha u gudbiyay mooshin xil-kaqaadista Maayarka magaalada, Xasan Maxamed Ciise Goodir.
Golaha oo tiro ahaan ka kooban 27 Xildhibaan, ayaa Duqa ku eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday islamarkaana uu ku xadgudbay xeerka golayaasha deegaanka Puntland.
Arrimaha lagu soo eedeeyay waxaa kamid ah inuu Canshuuro dheeraad ah oo sharci darro ah kusoo kordhiyay dadweynaha, Nadaafad darro ku baahday caasimadda, La shaqayn la’aan laamaha amniga, Bixinta Dhulkii dadweynaha ee danta Guud, Shaqo ka cayrin aan loo marin sharciga iyo qabasho la’aanta kulamada Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Deegaanka degmada Garoowe.
Eedaymahan iyo mooshinka laga gudbiyay Maayarka ayaa lagusoo beegay furitaankii Kalfadhiga 24aad ee golaha deegaanka Garoowe, kaasoo ay goob joog ka ahaayeen madax ka socota, Xukuumadda, Barlamanka, Gobolka, odoyaasha Dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde oo ah mas’uulka loo gudbiyay Mooshinka ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in Xildhibaanadu u kaadiyaan arrintan maadaama dalku ku jiro xaalad adag waxyaabaha jirana ay u xalliyaan siyaabo hoose.
Arrintaas ayaa dhalisay buuq ay sameeyeen Xildhibaanada golaha deegaanka Degmada Garoowe, kaasoo sababay in shirku kusoo dhammaado Buuq.
Qaar kamid ah Xildhibaanada gudbiyay Mooshinka oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in sifo sharci ah u mareen tallaabada ay ku raadinayaan inay xilka uga qaadaan Maayarka Garoowe, waxayna intaas ku dareen inay hogaaminta Xildhibaanada ku wareejiyeen ku-xigeenkiisa islamarkaana barri ay dooran doonaan Guddoomiye Cusub.
Ma'aha markii ugu horaysay Mooshin laga keeno Xasan Maxamed Ciise Goodir oo xilkan loo dhiibay 20 August 2015.
Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweyne Gaas kala diray Golihii deegaanka Boosaso, kadib markii uu soo if-baxay Buuq la xariiray Mooshin laga gudbiyay Maayarkii hore ee xarunta gobolka Bari.
GAROWE ONLINE