Musharax Saciid Deni oo si wayn loogu soo dhaweeyay London

Image
Image
Image
Image

LONDON, UK - Siyaasiga Siciid Cabdullaahi Deni, oo ah Murashax Madaxweyne doorashadda Puntland ee 2019, ayaa gaaray magaaladda London ee caasimada UK , halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool caasimada dalka Ingiriiska ayaa ka qeyb-galay soo dhaweynta musharaxa, sheegay inay ku farax-san yihiin inuu kusoo booqdo wadanka Britain.

Deni ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK, iyadoo habeenka soo socda ee Jimcaha la qaban doono munaasabad wayn, taasi oo uu ka jeedin doono khudbad uu uga hadli doono xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaan Puntland.

Murashax Deni oo ah Ganacsadde iyo siyaasi Soomaaliyeed oo xilal kala duwan dalka kasoo qabtay, ayaa waxuu kamid ahaa shaqsiyaadkii isku soo taagay doorashadii madaxweyne, uu kusoo baxay Farmaajo Febuary, 2017-dii.

Si kastaba, Doorashada Puntland ee 2019-ka, ayaa waxaa ku tartamaya siyaasiyiin kala duwan kuwasoo qaar horey u shaaciyay musharaxnimadooda, halka qaar kale la filayo bilaha soo socda iney ku dhawaaqaan, waxayna leedahay xiiso gaar ah madaama Madaxweynaha hada haya talada Cabdiweli Gaas uu sheegayo inuusan sharaxneyn, balse wararka ay xusayaan inuu tartamayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM