PUNSAA oo walaac ka muujisay xaaladda Puntland

Image

GAROOWE, Puntland- Dalladda ay ku midaysanyihiin ururrada aan dowliga ahayn ee Puntland (PUNSAA), ayaa walaac xoog leh ka muujiyay xaalada Puntland gaar ahaan mida ay ku suganyihiin shacabka ku nool goobaha colaaddu ka jirto iyo magaalada Boosaaso.

War-saxaafadeed kasoo baxay Dalladdan ayaa lagu sheegay in PUNSAA, ay ka xuntahay dhibaatada soo wajahday dadkii ka barakacay gobolka Sool, kuwaasoo ay sheegeen inay la soo daristay nolol xumo iyo dhibaato bini-aadanimo, iyagoo intaas ku daray in bulshadaas u baahantahay Kaalmo deg deg ah.

PUNSAA, waxay sidoo kale ka digtay abaar kusoo wajahan Puntland iyo sida xaalku noqon karo iyagoo sheegay inuusan Kalkii hore Roobkii dayrta si wanaagsan uga hoorin qaybo kamid ah gobollada maamulkan, waxayna lagama maarmaan ka dhigeen in dowladdu il gooni ah ku eegto arrintaas iyo sidii looga tabaabushaysan lahaa.

Qoraalkan, waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay dedaalka ay wadaan shacabka Boosaaso ee ku aadan bad-baadin Doontii ku caariday Dekedda Boosaaso, waxayna sheegeen in xukuumadda looga fadhiyo qorshe ku aadan markii masiibo caynkan ah dhacdo sidii loo furdaamin lahaa.

Dhinaca kale PUNSAA, ayaa soo dhawaysay dedaalka ay wadaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ee ku aadan hirgalinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo u diyaarinta dalka in doorasho qof iyo cod ah dhacdo 2020/2021.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli maamulkan uu wajahayo dhibaatooyin ka taagan gobolka Bari iyo Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM