Puntland: Askari Gaari Ciidan la baxsaday oo dil lagu xukumay

Image

GAROOWE, Puntland - Maxkamadda dembiyada culus ee Ciidanka Puntland ayaa maanta oo Talaado ah xukun dil ah ku riday hal Askari, kaasi oo lagu eedeeyay inuu la baxsaday 21-kii bishii lasoo dhaafay Gaari Ciidanku leeyahay.

Askariga oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Guure ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, isagoo maxkamadda ka maqan, waxaana xukunkiisa loo cuskaday qodobada 221, 222, 223 ee xeerka ciqaabta Ciidamada, 

Xilliga ay Maxkamadda xukunka ridaysay waxaa goobjoog ahaa mas'uuliyiin ay kamid yihiin xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland Gaashaanle Sare Maxamuud Faarax iyo gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Sareeye-Guuto Saciid Abyan Cigaal.

Askari la sheegay inuu Garaiga Tiknikada ah la goostay, ayaa waxaa xukunkan lagu fulin doonaan marka gacanta lagu soo dhigo, waxayna Maxkamaddu amartay Ciidamada Puntland inay si deg deg ah kusoo qabtaan.

Qoraalka Maxkamadda oo laga soo saarey Madaxtooyadda Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in qofkii soo qabtaa Askariga ay siin doonaan abaal-marin aan la shaacin waxay tahay.

Askariga la xukumay oo ku jiray aaga difaaca Tukaraq, ayaa Gaariga iyo hubkii saarnaa ula baxsaday dhanka Somaliland, iyadoo wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ay sheegayaan in loo gudbiyay magaalada Hargeysa, oo maamulka halkaasi ka jira uu dalacsiiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM