Puntland: Cabdicasiis Koor oo loo magacaabay Agaasimaha W/Deegaanka

Image

GAROOWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa Agaasimihii hore ee wasaaradda Arrimaha Gudaha islamarkaana soo noqday duqa Caasimadda Garoowe loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Puntland.

Wareegto uu helay GO oo Madaxweyne Gaas kasoo baxday 16 December, 2017 ayaa mas'uulkan loogu magacaabay xilkan muddo kadib markii uu diiday inuu noqdo Agaasimaha wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalah dowladda Puntland.

Booskaas waxaa horay u joogtay gabar lagu magacaabo Muno Daahir Dalmar, taasoo in muddo ah aan kasoo muuqan xarunta Wasaaradda iyadoo aan la ogayn sababta maqnaanshaheeda.

Muno ayaa markii hore wasaaraddaas lagu geeyay badal looga keenay W/Arrimaha Gudaha, dowladaha hoose iyo Hormarinta reer Guuraaga.

"Markuu Arkay Dastuurka dowladda Puntland, Markuu Arkay Aqoontiisa iyo Waayo-aragnimadiisa, markuu arkay talo soo jeedista Wasiirka Deegaanka, wuxuu Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland," ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Gaas.

Cabdicasiis Koor ilaa hadda kama uusan hadlin xilka cusub ee loo magacaabay.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM