Puntland: Caynsane oo loo doortay Guddoomiyaha ururka MAP

Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Wariye Maxamed Daahir Caynsane ayaa loo doortay Guddoomiyaha ururka warbaahinta Puntland ee MAP isagoo ku guulaystay codad gaaraya 51 cod.

Caynsane ayaa wareegii 2aad ka guulaystay Abaadir Cabdulqaadir oo helay 42 cod.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxayna sheegeeen in Caynsane uu ururkan hogaamin doono saddexda sano ee soo socota.

“Caynsane wuxuu helay 51 cod, Abaadirna wuxuu helay 42 cod, sidaas waxaa Guddoomiyaha MAP noqday Maxamed Daahir oo saddexda sano ee soo socota hogaamin doona ururkan,” sidaas waxaa yiri Faysal Boston oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashada shirweynaha ururka MAP ee ka socday Garoowe maalintii saddexaad.

Hadal kooban oo uu jeediyay murashaxa laga guulaystay, Abaadir Cabdulqaadir, wuxuu ku sheegay inuu aqbalay natiijada islamarkaana doorashadu u dhacday qaab xalaal ah.

Murashaxa Guulaystay, Maxamed Daahir, ayaa isna codsaday in lala shaqeeyo isagoo tilmaamay in la’aanta Wariyaasha Puntland uusan keeni karin is-badal.

Faysal Khaliif Barre, oo ahaa Guddoomiyihii hore ee MAP, ayaa u hambalyeeyay Maxamed Daahir, wuxuuna ugu baaqay inuu halkaas kasii wado shaqadii socotay inkastoo uu xusay in xil-wareejintu mar kale noqon doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM