Puntland: Doon ku Caariday Dekedda Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Doon kamid ah kuwo u rarnaa Ganacsato reer Puntland ah ayaa ku caariday dekedda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, sida ay GO u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah iyo howlwadeeno ka shaqeeya dekedda.

Doonidan oo la sheegay inay waddo Gaadiid, Raashin iyo Bagaash ayaa shalay ku soo gaartay dekedda iyado ciladaysan kadibna codsatay in la xiro si alaabta looga dejiyo.

Sida wararku sheegayaan maamulka dekedda ayaa diiday in doontu xirato sababo aan la shaacin, taasoo kaliftay inay u caarido dhanka Badweynta.

"Doonta walaalo iyadoo daloosha ayay shalay kusoo xiratay dekedda Boosaaso, waxay codsatay in alaabta laga dejiyo, laakiin maamulka gacanta ku haya dekedda ayaa diiday," sidaas waxaa yiri mid kamid ah howlwadeenadda dekedda oo intaas ku daray, "Xaaladda dekedda iminka waa Konton Konton inay bad-baado biyo ayaa hoosta ka galay, waxayna hadda u soo caariday dhinaca Bariga."

Xiriiro aan la samaynay wasaaradda qaabilsan arrimaha dekedda nooma suurto galin inaan helno, balse qaar kamid ah shacabka doontu u rarnayd ayaa wada dedaalo ay kusoo bad-baadinayaan doontaas.

Doontan oo magaceeda lagu sheegay Al Xafiis islamarkaana ay leeyihiin Hindi, ayaa qaada 1500 tan, waxaana Caaritaankeedu kusoo aaday xilli dekedda Boosaaso ay tahay mid aad u mashquul badan maalintii.

Al Xafiis ayaa kasoo safartay Dubai oo ah halka inta badan ganacasatada Soomaaliyeed wax kasoo dhoofsadaan.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dowladda iyo dadkii ay alaabta u siday doontan.

Maaha markii ugu horaysay ay dagto doon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed, balse tan ayaa kusoo beegmay xilli maamulka dekedda loo dhiibay shirkad lagu mgacaabo PO&Port, taasoo dowladda Puntland heshiis kula gaartay inay ballaarin doonto islamarkaana dayactir ku samayn doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM