Puntland: Doon ku gubatay nawaaxiga Dekedda Boosaaso

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Doon siday shixnad kala duwan ayaa dab ku qabsaday meel u dhow dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online, oo xiriir la sameeyay dad ka sugan dekedda magaalada ganacsiga Puntland.

Doontan oo magaceeda lagu sheegay Nuur Saabir ayaa taagnayd meel aan ka fogayn dekedda iyadoo waqtigaas qorshaynaysay inay kusoo xirato dekedda magaalada Boosaaso.

Dabka qabsaday ayaa wax faah faahin ah laga heli karin, balse waxaa loo badinayaa inay tahay dab Doonta dhexdeeda ka qarxay.

Majirto cid katirsan dowladda iyo ganacsatada gobolka Bari oo gurmad u samaysay Doontaas.

Sawirro laga soo qaaday nawaaxiga dekedda Boosaaso ayaa muujinaya Qiiq iyo Uuro isku shareeray cirka.

Maaha markii ugu horaysay oo Doon dab ku qabsado meel u dhow dekedda magaalada Boosaaso.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dekeddu aysan lahayn agabka loogu gurmado Gaadiidka kusoo xirta iyadoo mararka qaar ay dhacdo masiibooyinkan oo kale.

Dhawaan ayay ahayd markii Doon siday Badeecooyin kala duwan ay ku caariday Dekedda magaalada Boosaaso, taasoo markii dambe keentay inay u gurmadaan shacabka gobolka oo kaashanaya dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM