Puntland: Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka MAP oo socota

Image

GAROOWE, Puntland- Ergada matalaysa Wariyaasha Puntland oo maalintii saddexaad shir uga socdo Garoowe, ayaa iminka guda gashay codaynta xilka Guddoomiye ku-xigeenka ururka warbaahinta Puntland ee MAP.

Labo murashax oo kaliya ayaa u taagan xilkaas, kuwaasoo kala ah; Yuusuf Maxamed Maxamud iyo Mukhtaar Cabdi Jaamac.

Murashaxiinta waxay sidoo kale goobta ka cadeeyeen inay aqbali doonaan natiijada oo ay ku kalsoonyihiin guddiga doorashada MAP.

Labada murashax ayaa soo jeediyay khudbado kooban oo ay uga hadleen taariikh nololeedkooda iyo khibradda warbaahineed ee ay leeyihiin, si ay u kasbadaan kalsoonida ergada oo kor u dhaafaysa 95 mudane.

Xilkan ayaa noqonaya kii 2aad ee ilaa maanta la doorto, waxaana ku xigi doona Xoghaynta iyo Khasnajiga oo ay u taaganyihiin murashaxiin Dumar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM