Puntland: Gorod oo la kulmay bulshada Gaalkacyo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa kulan gaar ah la qaatey bulshada magaalada Gaalkacyo, isagoo kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa nabad-gelyada magaaladaasi.

Gorod oo Su'aalo la xiriira amniga Gaalkacyo lagu waydiiyay kulanka ayaa ka warbixiyay halka ay marayso howsha Nabadaynta ay wadaan gudiyada Nabad galyada isku-dhafka ah ee Puntland iyo Galmudug.

Wuxuu sheegay inay meel wanaagsan u marayso dedaallada ku aadan nabadeynta Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, islamarkaana ciidamada labada dhinac ay si hufan ay ugu wada-shaqeynayaan.

Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka, mas'uuliyiinta iyo Odayaasha Gaalkacyo inay la shaqeeyaan ciidamada isku-dhafka ah, ee loo xil-saarey nabadda magaalada, islamarkaana qeyb ka noqdaa xalka.

Jeneraal Gorod ayaa xusay in ay ka shaqeynayaan saraakiisha ciidamada inay meel dajiyaan ciidamada isku dhafka ee ka hawlgalaya gobolka Mudug kuwaas oo isugu jira Boolis iyo Milatari.

Gaalkacyo ayaa ah xudunta colaadda gobolka Mudug, taasi oo soo jiitamaysay mudo dheer, iyadoo isku dayo iyo heshiisyo badan oo dhanka nabada ah oo horey loo sameeyeen ay fashilmeen.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM