Puntland: Gorod oo la kulmay bulshada Gaalkacyo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa kulan gaar ah la qaatey bulshada magaalada Gaalkacyo, isagoo kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa nabad-gelyada magaaladaasi.

Gorod oo Su'aalo la xiriira amniga Gaalkacyo lagu waydiiyay kulanka ayaa ka warbixiyay halka ay marayso howsha Nabadaynta ay wadaan gudiyada Nabad galyada isku-dhafka ah ee Puntland iyo Galmudug.

Wuxuu sheegay inay meel wanaagsan u marayso dedaallada ku aadan nabadeynta Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, islamarkaana ciidamada labada dhinac ay si hufan ay ugu wada-shaqeynayaan.

Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka, mas'uuliyiinta iyo Odayaasha Gaalkacyo inay la shaqeeyaan ciidamada isku-dhafka ah, ee loo xil-saarey nabadda magaalada, islamarkaana qeyb ka noqdaa xalka.

Jeneraal Gorod ayaa xusay in ay ka shaqeynayaan saraakiisha ciidamada inay meel dajiyaan ciidamada isku dhafka ee ka hawlgalaya gobolka Mudug kuwaas oo isugu jira Boolis iyo Milatari.

Gaalkacyo ayaa ah xudunta colaadda gobolka Mudug, taasi oo soo jiitamaysay mudo dheer, iyadoo isku dayo iyo heshiisyo badan oo dhanka nabada ah oo horey loo sameeyeen ay fashilmeen.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM