Puntland: Juxa oo ka digay Doorasho Dadban [Daawo]

Image

GAROOWE, Puntland- Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Boqolaal kamid ah shacabka Garoowe ayaa soo dhaweyn u sameeyay wasiirka isagoo markii dambe kula hadlay barxadda ay caanka ku tahay magaalada Garoowe.

Cabdi Faarax, ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray arrimaha Puntland iyo sidii looga shaqayn lahaa hormarka, isagoo tilmaamay in cid walba mas’uuliyad ka saarantahay ilaalinteeda.

Juxa ayaa soo hadal qaaday hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Gaas ee ku saabsanaa inuu waqtigeeda ku qaban doono doorashada Puntland, isagoo xusay in hadalkaas uu yahay mid uu soo dhaweynayo maadaama uu kusoo beegay xilli ay jiraan tuhun laga qabo doorashadaas.

Wuxuu xusay in tani tahay mid looga baahnaa Madaxweynaha islamarkaana in la ilaaliyo waqtiga doorashada ay tahay mid Dastuuri ah.

Odoyaasha dhaqanka ayuu xusay inay yihiin kuwo wali awood u leh inay soo xulaan Xildhibaanada dooran doona Hogaanka Puntland sannadka dambe, maadama dalku gaari waayay doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirkii hore ayaa ka digay in doorashada Puntland laga mid dhigo tii sannadkii 2016 lagu soo xulay golaha Barlamanka (Doorasho Dadban), wuxuuna sheegay inay ahayd musuq-maasuq iyo mid aan dani ugu jirin shacabka maamulkan.

Juxa oo wixii ka dambeeyay markii xilka laga qaaday ku sugnaa dalka Kenya gaar ahaan Nairobi, ayaa la filayaa inuu muddo kooban ku sugnaado Caasimadda Garoowe.

Cabdi Faarax, wuxuu kamid yahay siyaasiyiinta xilalka kasoo qaybta Puntland iyo Soomaaliya, isagoo kamid ah xubnaha la baxay Puntland Focus Group.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM