Puntland: Juxa oo ka digay Doorasho Dadban [Daawo]

Image

GAROOWE, Puntland- Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Boqolaal kamid ah shacabka Garoowe ayaa soo dhaweyn u sameeyay wasiirka isagoo markii dambe kula hadlay barxadda ay caanka ku tahay magaalada Garoowe.

Cabdi Faarax, ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray arrimaha Puntland iyo sidii looga shaqayn lahaa hormarka, isagoo tilmaamay in cid walba mas’uuliyad ka saarantahay ilaalinteeda.

Juxa ayaa soo hadal qaaday hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Gaas ee ku saabsanaa inuu waqtigeeda ku qaban doono doorashada Puntland, isagoo xusay in hadalkaas uu yahay mid uu soo dhaweynayo maadaama uu kusoo beegay xilli ay jiraan tuhun laga qabo doorashadaas.

Wuxuu xusay in tani tahay mid looga baahnaa Madaxweynaha islamarkaana in la ilaaliyo waqtiga doorashada ay tahay mid Dastuuri ah.

Odoyaasha dhaqanka ayuu xusay inay yihiin kuwo wali awood u leh inay soo xulaan Xildhibaanada dooran doona Hogaanka Puntland sannadka dambe, maadama dalku gaari waayay doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirkii hore ayaa ka digay in doorashada Puntland laga mid dhigo tii sannadkii 2016 lagu soo xulay golaha Barlamanka (Doorasho Dadban), wuxuuna sheegay inay ahayd musuq-maasuq iyo mid aan dani ugu jirin shacabka maamulkan.

Juxa oo wixii ka dambeeyay markii xilka laga qaaday ku sugnaa dalka Kenya gaar ahaan Nairobi, ayaa la filayaa inuu muddo kooban ku sugnaado Caasimadda Garoowe.

Cabdi Faarax, wuxuu kamid yahay siyaasiyiinta xilalka kasoo qaybta Puntland iyo Soomaaliya, isagoo kamid ah xubnaha la baxay Puntland Focus Group.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM