Puntland: Khaliif Ciise Mudan oo ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa

Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Wasiirkii hore ee Amniga Puntland, Khaliif Ciise Mudan ayaa shalay magaalada Nairobi kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Puntland 2019.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi ayuu Khaliif Ciise Mudan ku sheegay inuu u taryami doono xilka ugu sareeya Puntland doorashada la filayo inay qabsoonto bisha January 8, 2019.

“Waxaan maanta halkan kaga dhawaaqayaa inaan ahay musharax u taagan Madaxweynaha Puntland 2019,” ayuu yiri Khaliif Ciise Mudan.

Waxuu balan-qaadey Musharaxa inuu wax ka qaban doono hadii uu ku guuleysto xilka Madaxtinimada arrimaha amniga oo muhiim ah, kana saari doono Kooxaha Argagaxisada ku sugan dhulka buuralayda ah.

Khaliif Ciise Mudan ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo inuu wax ka qabto amaanka, Siyaasadda, Kobcinta dhaqaalaha, dowlada wanaagga iyo inuu shaqo abuur u sameyn doono dhalinyarada Puntland.

Musharax Khaliif ayaa waxyaabaha uu balan qaaday waxaa kamid ah inuu soo celinta doono deegaanada ka maqan Puntland iyo inuu u sameeyo doono dhaqaalaha nidaam kawadan kan hadda lagu shaqeeyo.

Ugu dambeyntii, Khaliif Ciise Mudan ayaa ka codsaday shacabka Puntland inay u doortaan Xilka Madaxwtinimada doorashada soo socota, taasi oo hadda isku soo sharaxeen musharaxiin dhowr ah.

Hoos ka daawo Shirka Jaraa'id ee Musharaxa:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM