Puntland: Madaxweyne Gaas oo baajiyey dabaaldag uu qabsan lahaa 8 January

Image

GAROWE- Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa baajiyey mid kamid ah xafladihii uu qaban jirey 8 January sanad walba taasoo aheyd midii ugu dambeysay 5 tii sano ee u talada Puntland hayey.

Wararka aan ka heleyno ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in xafladda 8 January ee la qaban lahaa caawa la baajiyey madaama ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo Somaliland isku horfadhiyaan meel 60 Km u jirta magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Xafladda 8 January oo ku beegan maalinta la doorto Madaxweynayaasha Puntland ayaa waxaa caado noqotey iney soo bandhigaan waxqabadkooda si siyaasadeysan.

Munasabada caawa ee baaqatey ayaa noqoneysa midda uga dambeysa Madaxweyne Gaas iyadoo 8 January 2019 Puntland ka dhici Doonto doorasho lagu dooranayo hogaanka cusub ee mamaulkaan.

Baaqashada xafladaan ayaa sidoo kale waxay dhabar Jab ku tahay Cabdiweli Maxamad Cali Gaas madaama ay ku soo beegantey xilli  magalaada Garowe uu ku sugan yihiin wafti balaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale wararka laga heleyo jiida hore ay isku horfadhiyaan ciidmada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa ka jira baqdin xoog leh in dagaal kale ka qarxo halkaas iyadoo wararku sheegayaan in maamulka Hargeysa ciidamo xoogan ku soo gurayaan halkaas.

Dowada Puntland ayaa weli aan war rasmiya kasoo saarin dagaalkaas iyadoo Wararka hoose ee GO helayo xusayaan in Wasiiro ka tirsan xukuumada diideen iney warsaxafadeedka soo jeediyaan kuwasoo kasoo jeeda gobolada la isku hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM