Puntland: MAP oo la kulantay Madaxweyne Farmaajo

Image

GAROOWE, Puntland- Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP oo qayb ka ah Bulshada Rayidka ah ayaa xalay 09, January 2018 kulan kula qaatay Madaxtooyda Puntland ee magaalada Garowe Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Gudoomiyaha Ururka MAP Mohamed Dahir Caynsane oo matelayay guud ahaan Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha u gudbiyay saddex qodob oo kala ah:

1- Xaalada Badqabka Wariyaha Soomaaliyeed isagoo soo xigtay warbixinta sanadlaha ah ee CPJ (Impunity index) ee soo baxday October 2017, wuxuu xusay Gudoomiyuhu in 26 Saxafi lagu dilay Somalia tobadnkii sanno ee la soo dhaafay, sida lagu xusay warbixinta waxa jira gaabis dhanka Dowladda ah markay timaado baarista iyo dabagalka falal dambiyeedyada ka dhan ka ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa ka codsaday Madaxweynaha JF Somalia inuu mudnaan siiiyo ilaalinta iyo badqabka Saxafiga Soomaaliyeed. Iyadoo lagu wacyigelinayo laguna tababarayo laamaha amaanka ixtiraamka madax-banaanida shaqada Saxafiyiinta iyo Warbaahinta.

2- Talo sojeedin ku aadan dib u eegista Xeerka Warbaahinta Soomaaliyeed (Somalia Media Law Reform): Gudoomiyaha ayaa ka codsaday Madaxweynaha in la dhageysto lana tixgeliyo cabashada Suxufiyiinta.

3- Buuga Badqabka Wariyaha Soomaaliyeed (Somali Journalists Safety and Protection Manual).

Gudoomiyuhu waxa uu warbixin kooban ka siiyay Madaxweynaha qiimeeyn MAP 2016 ay ka sameysay Muqdisho, Kismayo, Baidoa, Beletwayn, Galkayo iyo Bossaso taasi oo loogu kuurgalyay xaaladaha Badqabka Wariyaha Soomaaliyeed, iyadoo la tixraacayo Tusaha Caalamiga ee Badqabka Wariyaha ee UNESCO (Journalists Safety Indicator).

Wuxuu xusay Gudoomiyuhu in Ururku hada ku hawlanyahay qorista Buuga Badqabka Wariyaha Soomaaliyeed (Somali Journalists Safety and Protection Manual) kaasi oo la qorsheynayo in dhamaadka January 2018 lagu soo bandhigo Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa ka codsaday Madaxwaynaha JF Soomaaliya inay ka qayb qaataan baahinta buugaasi oo waxtar u noqonaya hagina doona Badqabka Wariyaha Soomaaliyeed ee ku guda jira shaqadiisa.

Kulankan ayaa kusoo beegmay xilli dhammaadkii hore wariyaasha Puntland doorteen hogaan cusub oo shaqada kala wareegay mas'uuliyiintii hore, doorasho ka dhacday Garoowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM