Puntland: Natiijada Imtixaanka Dugsiga Sare oo la shaaciyay

Image

GAROOWE, Puntland- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay natiijada Imtixaanka Dugsigayada sare oo ay wasaaraddu qaatay horaantii bishii May ee sannadkan.

Xaflad ka dhacday xarunta wasaaradda ayaa lagu shaaciyay natiijada Ardaydu ka keeneen imtixaanka, waxaana weheliyay magacyada 10 Arday ee galay kaalimaha sar sare.

Agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka wasaaradda waxbarashada Puntland Axmed Maxamuud Warsame oo ka hadlayay marxaladihii uu soo maray imtixaanku ayaa sheegay in sixitaankiisa kaliya uu qaatay muddo bil ah loona xilsaaray macalimiin iyo khubaro aqoon durugsan u leh howshaas.

Wuxuu xusay in lagu bixiyay waqti iyo juhdi badan si Arday walba sidii arday walba u helo caddaalad ku salaysan aqoontiisa.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Abshir Yuusuf Aw-ciise ayaa hambalyo u diray dhammaan arday ku baastay Imtixaanka, wuxuuna ugu baaqay inay sii wadaan waxbarashadooda.

Yuusuf ayaa sidoo kale xusay in wasaaraddu mar kasta u taagantahay sidii ay kor ugu qaadi lahayd tacliinta Ardayda, si bulshadu u gaarto hormar.

Dhinaca kale wasiirka ayaa goobta ka akhriyay magacyada Tobanka Arday ee galay kaalimaha sare iyo Iskuulaadka ay ka tirsanaayeen.

In kabadan 15kun oo Arday ayaa sannadkan u fariisatay Imtixaankii laga qaaday Ardayda dhigata Dugsiyada sare iyo hoose ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM