Puntland oo eedaysay shirkadda Duulimaadka Jubba [Daawo]
GAROOWE, Puntland- Dowladda Puntland ayaa markii ugu horaysay war kasoo saartay dhibaatada shirkadaha duulimaadka Soomaalida ay ku hayaan Xujayda iyo kharashaadka tirada badan ee laga qaadayo waqtiga ay doonayaan inay gudaan Ruknigan kamidka ah tiiraarka Islaamka.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac, oo maanta kasoo laabta safarro uu ku tagay waddamada Yurub qaybtood iyo dalka Masar, ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday inay wax ka qabato musuq-maasuqa lagu hayo shacabka, isagoo tilmaamay in Dalkan uu yahay waddanka ugu qaalisan marka laga hadlayo qiimaha lagu tago Xajka.
"Waa la yaqaana waa koox la yaqaan, Shirkadda Jubba weeye iyadaa samayn jirtay, Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha ayaa inta laab lala galo loo saxiixi jiray waana taan ognahay, maaha inaan shirkad ahaan diidanahay ee waa inaysan noqon rukni kamid ah acmaasha Xajka," sidaas waxaa yiri Wasiirka Cadaaladda Puntland.
Xabiib, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsaday inay wax ka qabato dhibaatadan islamarkaana laga fiirsado cidda la siinayo inay mashruuca qaadista Xujayda kaasoo sida uu xusay la saxiixayo bishan 15keeda.
"Dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay xukuumadihii hore waxay ahaan jirtay arrin la iska haysto oo laab lagu saxiixdo oo koox yar loo saxiixi jiray, marka masiirka umadda muddo dheer ayaan ka qaylinaynay oo aan lahayn sidaan wax ha laga badalo," sidaas waxaa yiri wasiir Xabiib oo hadalkiisa ku daray, "Xukuumaddan waxaan ka codsanayaa inaysan ku dhicin sidii ay ku dhaceen xukuumadihii hore, oo ha ka dhabeeyaan hadal hayskoodii ahaa waan la dagaallamaynaa Musuq-maasuqa cadaaladdana waan ka shaqayn doonaa."
Wasiirka oo sii hadlaya, wuxuu ku baaqay in shirkadaha duulimaadka ka sameeya Soomaaliya ay u tartamaan qaadista Xujayda si loo helo qiimo jaban iyo adeeg wanaagsan, isagoo tilmaamay in caalamka aysan ka jirin shirkad gaar ugu xiran qorshaha lagu aaday Baydka ALLE.
"Waxaan leeyahay shirkadaha ha loo furo oo shaqada ha lagu soo celiyo Wasaaradaha Awqaafta iyo arrimaha Diinta," ayuu yiri Xabiib oo hadalkiisa ku sii daray,"Sida hada aan dareemayno waxaa jira waraaqo la isla daba marayo, Villa Soomaaliya waraaq ayaa kasoo baxday oo koox gooni ah wadato, Wasaaradda Awqaafta waxaa kasoo baxay waraaq iyana liis gooni ah."
Mas'uulkan ayaa intaas ku daray inaan laga bixi karin lacag gaaraysa $4000 oo doollar xilli shacabka ay soo mareen Abaaro iyo Colaado, islamarkaana caalamka dalka ugu qaalisan looga dhoofo wax ka yar Saddex Kun oo doollar.
Hadalka Wasiirka Cadaaladda Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli Warsidaha Garowe Online sannadkii hore uu qoray warbixin uu uga hadlayay dhibaatada lagu hayo Xujayda taasoo ay ku lug leeyihiin madaxda dowladda.
Sannadkii hore waxay shirkaddan Xajka u qaaday Madaxweyne Gaas iyo qaar kamid ah mas'uuliyiinta dowladda xilli ay taagnayd cabashada shacabka ay ka muujinayaan Lacagaha tirada badan ee laga qaadayo shakhsiyaadka gudaha Xajka.
GAROWE ONLINE