Puntland oo war kasoo saartay xiisadda Muqdisho [Akhriso]

Image
Image

GAROOWE, Puntland- War-murtiyeed kasoo baxay shirkii Khamiislaha ahaa ee golaha xukuumadda Puntland, ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen; Amniga Puntland, khilaafka siyaasadeed ee Muqdisho, Dhaq-dhaqaaqyada Somaliland, Dad shacab ah oo lagu laayay gobolka Karkaar, Dastuurka Dawladda Federaalka iyo Baahinta  Wax-qabadka  Dawladda.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay Madaxweyne Gaas, ayaa lagu sheegay in maamulka Somaliland uusan haysan doonin gobollada uu hadda gacanta ku hayo ee katirsan Puntland, waxayna wasiirradu deel qaaf ku tilmaameen warar kasoo baxaya xukuumadda Hargaysa ee ay ku sheegayaan in dowladda Soomaaliya ciidamo gaysay gobolka Sool.

Sidoo kale waxaa golaha xukuumadda ay tilmaameen in hadaladaas ay yihiin kuwo Somaliland ay ugu qiil-daynayso qorshaha xad gudubka ah ee ay ku haysato dhul katirsan Puntland.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale soo hadal qaaday khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in arrintaas wax u dhimayso qaranimada Soomaaliya iyagoo ku baaqay in xiisadda la dajiyo.

Shirkan waxaa lagu soo hadal qaaday qorshaha dib u eegista Dastuurka dowladda Soomaaliya oo la sheegay inuu daba-dheeraaday, waxayna tilmaamay in la joogo waqtigii lasoo gaba-gabayn lahaa si looga hortago wax kasta oo weecin kara hannaanka Federaalka ee dalku qaatay.

Dhinaca kale waxaa goluhu ka hadlay dhacdo todobaadkan lagu dilay dad shacab ah nawaaxiga deegaanka Dhuudo ee gobolka Karkaar taasoo ay ku nafwaayeen ku dhawaad 5 qof oo shacab ah kuwaasoo sababsaday arrimo aano qabiil sida dadku deegaanku sheegeen. Falkaas ayaa dhacay xilli dadka dhintay ay biyo u wadeen qoysas reer guuraa ah, waxaana dowladdu dalbatay in gacanta lagu soo dhigo shakhsiyaadkii ka dambeeyay arrintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM