Puntland oo war kasoo saartay xiisadda Muqdisho [Akhriso]

Image
Image

GAROOWE, Puntland- War-murtiyeed kasoo baxay shirkii Khamiislaha ahaa ee golaha xukuumadda Puntland, ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen; Amniga Puntland, khilaafka siyaasadeed ee Muqdisho, Dhaq-dhaqaaqyada Somaliland, Dad shacab ah oo lagu laayay gobolka Karkaar, Dastuurka Dawladda Federaalka iyo Baahinta  Wax-qabadka  Dawladda.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay Madaxweyne Gaas, ayaa lagu sheegay in maamulka Somaliland uusan haysan doonin gobollada uu hadda gacanta ku hayo ee katirsan Puntland, waxayna wasiirradu deel qaaf ku tilmaameen warar kasoo baxaya xukuumadda Hargaysa ee ay ku sheegayaan in dowladda Soomaaliya ciidamo gaysay gobolka Sool.

Sidoo kale waxaa golaha xukuumadda ay tilmaameen in hadaladaas ay yihiin kuwo Somaliland ay ugu qiil-daynayso qorshaha xad gudubka ah ee ay ku haysato dhul katirsan Puntland.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale soo hadal qaaday khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in arrintaas wax u dhimayso qaranimada Soomaaliya iyagoo ku baaqay in xiisadda la dajiyo.

Shirkan waxaa lagu soo hadal qaaday qorshaha dib u eegista Dastuurka dowladda Soomaaliya oo la sheegay inuu daba-dheeraaday, waxayna tilmaamay in la joogo waqtigii lasoo gaba-gabayn lahaa si looga hortago wax kasta oo weecin kara hannaanka Federaalka ee dalku qaatay.

Dhinaca kale waxaa goluhu ka hadlay dhacdo todobaadkan lagu dilay dad shacab ah nawaaxiga deegaanka Dhuudo ee gobolka Karkaar taasoo ay ku nafwaayeen ku dhawaad 5 qof oo shacab ah kuwaasoo sababsaday arrimo aano qabiil sida dadku deegaanku sheegeen. Falkaas ayaa dhacay xilli dadka dhintay ay biyo u wadeen qoysas reer guuraa ah, waxaana dowladdu dalbatay in gacanta lagu soo dhigo shakhsiyaadkii ka dambeeyay arrintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM