Puntland: Qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Qaraxyo is xigay ayaa goordhaweyd ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida Garowe Online u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay xaafad ka mid ah magaalada Boosaaso, halkaasoo sida la sheegay ay yaalleen waxyaabaha qarxa kadibna waxaa soo gaaray ciidamo katirsan kuwa Booliiska, kuwaasoo lala eegtay Qaraxa labaad.

Hal Askari ayaa ku dhintay weerarkaas, waxaana ku dhaawacmay mid kale sida uu warsidaha GO u sheegay qof kamid ah dadkii ka agdhawaa goobta weerarku ka dhacay.

Majirto faafin dheeraad ah oo kaso baxay weerarkan iyo qaabka uu u dhacay, balse waxaa dhacdadan ay timid xilli xalay la weeraray saldhigga dhexe ee magaalada Boosaaso.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaas oo yimid xilli amniga xarunta ganacsiga Puntland uu yahay mid sii xumaanaya.

Ilaa hadda wax war ah dowladda Puntland kama soo saarin xaaladda cakiran ee magaalada Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM