Puntland: Rabshado ka dhacey magaalada Garowe

Image

GAROWE- Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ka dhacey rabshado kooban kadib markii dhalinyaro ka careysan cayaartii galabta laga badiyey kooxda kubbada Cagta maamulka Puntland ay weerareen qaar kamid goobaha ganacsiga ee ku yaal bartamaha magalada.

Dhalinayradaan ayaa isugu yimid inta cayaartaan socotey halka loo yaqaan Barxada magalada Garowe kuwasoo qorsheynayey iney goobtaas ku dabaal-dagaan hadii kooxda  kubadda Cagta Puntland ka guuleysato koobka kubadda Cagta ee tartanka maamulada Soomaaliya.

Goobaha ganacsiga ee ku yaal bartamaha magalada Garoowe ayaa la xirey rabshadahaas kadib iyadoo ciidamada Booliska kala eryeen dhalinyaradaan oo Hakad galiyeen isu socodkii Gaadiidka iyo dadweynaha lugeynaya.

Meelo kamid ah magalada ayaa laga maqley rasaas ciidamada Booliska kor u ridayeen iyadoo aysan jirin khasaare kasoo gaarey dhalinyaradii rabshadaha sameysay.

Shacabka Puntland oo filayey mar hadii gobolka Banaadir kaga adkaadeen cayaartii hore iney si sahlan uga guuleysan karaan maamulka Jubaland ayaa u qaadan kari waayey guuldardii gakabta.

Kooxda ka socota maamulka Puntland oo qaadey horyaalka kubbada Cagta maamulada Soomaaliya sanadkii hore ayaa hadda gashey kaalinta Labaad.

Jubaland ayaa sidoo kale sanadkii hore gashey kaalinta Labaad ee cayaaraha maamulada Soomaaliya iyadoo looga adkaadey cayaarta qaybteeda ku laadista xorta ah kadib markii 90 daqiiqo ee cayaarta ay ku dhamaatey Bar-bar-dhac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM