Puntland: Shacabka oo codsaday in loo furo Maxkamadda Gobolka Nugal
GAROOWE, Puntland- Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugal, ayaa maalintii Todobaad u laabanyihiin Albaabada, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah howlwadeenada xaruntaas.
Xirnaanshaha Maxkamadda ayaa salka ku haya Mushahar la'aan haysatay Lixdii bilood ee la soo dhaafay, taasoo ay u dheertay inay waayeen adeegyadii kale ay ku shaqayn jireen.
"Maxkamaddu waxay xirantahay ilaa Khamiistii lasoo dhaafay, sababtuna wax kale maaha ee waa mushahar la'aan iyo inaysan haysan kharash ay ku adeegaan dadka ka howlgala xarunta," sidaas waxaa Garowe Online u sheegay mid kamid ah howlwadeenada Maxkamadda oo ka gaabsaday magaciisa.
Isagoo sii hadlaya, wuxuu intaas ku daray in codsiyo kala duwan ay u gudbiyeen dowladda balse laga hoos qaadi waayay, xalkana u arkeen inay ka dareeraan Maxkamadda taasoo meesha ka saarTay adeegyadii loo qaban jiray shacabka.
Warbaahinta Radio Garoowe, ayaa saaka booqatay maxkamadda oo ay wali u laabanyihiin Albaabadu, waxayna kula kulmeen qaar kamid ah shacabka magaalada Garoowe, kuwaasoo codsaday in dib loogu furo maxkadda oo ay tilmaameen inay u qaban jirtay howlo badan.
"Waa wax laga xumaado in maxkamada loo xiro waxyaabo la xariira cabasho mushahar, dowladda iyo xukuumadda waxaan ka codsanaynaa inay dib noogu furto," sidaas waxaa yiri qaar kamid ah shacabkii goobta joogay.
Maamulka gobolka Nugal oo aan arrinta wax ka weydiinay wuxuu sheegay inaysan doonayn inay ka hadlaan, balse ay ogyihiin xirnaanshaha Maxkamadda, sida uu cadeeyay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee gobolka Nugal, Cabdiraxmaan Ciise Maxamed Bariir, oo la hadlay Radio Garowe.
Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca mas'uuliyiinta Maxkamadda iyo xukuumadda Puntland.
Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa inta badan waxaa la horkeeni jiray kiisas kala duwan, waxaana todobaadkan taagnaa dhammaan shaqooyinkii ay qaban jireen.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegi jirey labadii sano ee ugu horeysay xil-hayntiiisa in Garsoorka Puntland kor u qaadayo howlaha uu shacbaka u hayo.
GAROWE ONLINE