Puntland: Soo dhaweynta Farmaajo oo Garoowe laga dareemayo

Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in todobaadka dambe uu yimaado magaalo madaxda Puntland ee Garoowe tan iyo markii la doortay sannadkii hore horaantiisii.

Sida Warsidaha Garowe Online ka ogaaday ilo wareedyo katirsan Villa Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa Axadda dambe kusoo wajahan caasimadda Puntland.

Wafdi hordhac ah oo isugu jira Xildhibaano iyo xubno katirsan Madaxtooyada ayaa maanta soo gaaray Garoowe, waxaana kusoo dhaaweeyay madax katirsan Puntland iyo wafdi horay u joogay deegaanada Puntland.

Soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa laga dareemaya magaalo madaxda Puntland, waxaana farasa magaalaha iyo waddooyinka muhiimka ah lagu xardhay calanka Soomaaliya iyo kan dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale dhalinyaro iskood isu xil-qaamay ayaa baallayaasha ku yaalla bartamaha magaalada iyo goobaha dowladda ku suntay rinji u eg calanka dalka Soomaaliya oo uu ku mataansanyahay kan Puntland.

Arrintan ayaa timid xilli maanta la filyay in wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Juxa, uu yimaado magaalada Garoowe, isagoo horkacaya wafdiga soo gaaray caasimadda Puntland Balse xilka qaadi lagu sameeyay darteed u baaqday.

Farmaajo ayaa la qorshaynayaa inuu kasoo qayb galayo 08 Jannaayo oo ah maalintii la doortay Madaxweyne Gaas, halka la filayo inuu xariga ka jaro mashaariic ay kamid tahay dhismaha Garoonka diyaaradaha Garoowe oo hadda gabo-gabo maraya.

Farmaajo ayaa booqashadiisan noqon doontaa markii ugu horaysay ee uu yimaado Garowe, waxaana uu socod ku mari doonaa qaybo kamid ah gobollada Puntland sida; Nugal, Bari iyo Mudug.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, oo safar shaqo ugu maqnaa magaalada Boosaaso ayaa dib ugu soo laabtay Garoowe galinkii dambe ee maanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM