Puntland: Toogasho ka dhacay Boosaso [Fahfaahin]

Image

BOOSAASO, Puntland - Wararka laga helayo magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay xalay fal dil ah oo lagu khaarjiyay Nabadoon caan ka ahaa Magaaladda.

Nabadoonka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Saciid Maxamed Cawaare, ayaa waxaa toogtay Rag ku hubeysan bastooladda isagoo ku sugan Nawaaxiga Shirkadda Goolis xarunteeda caasimada ganacsiga Puntland.

Faahfaahinadda ayaa waxay intaasi ay ku darayaan in Dableydii falkaan ka dambeysay ay isaga baxsadeen goobta kahor inta aysan imaanin ciidamada laamaha amaanka ee Puntland, oo howlgalo aan dad lagu soo qaban sameeyay.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda falkaan dilka ah, laakiin weerarada khaarijinta ah ee ka dhaca Soomaaliya iyo degaanadda Puntland, waxaa inta badan dhabarka saarta kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Laamaha amniga ee dowladda Puntland, gaara ahaan kan gobolka Bari iyo magaalada Boosaaso wali wax war ah kama aysan soo saarin dilka Nabadoon Cawaare.

Labo maalin ka hor ayay ahayd kadib markii bartamaha magaaladdan lagu toogtay Askari ka tirsan Nabad-sugida dowladda Puntland, waxaana dilkaasi sheegatay Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM