Puntland: Waddo isku xirta Garoowe iyo Taleex oo la dhagax dhigay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 19 December 2017 dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xidhidoonta Garoowe iyoTaleex, taas oo dherer keedu dhan-yahay 90Km.

Dhagax dhigga Jidkan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada dawladda Puntland, Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, nabaddoono, waxgarad iyo masuuliyiin kale.

Khudbad uu halkaas ka jeediyay Madaxweynuhu, wuxuu ku sheegay inay ka xuukuumad ahaan ka go’an-tahay in si siman degaanada Puntland loo wada gaadhsiiyo horumarka iyo mashaariicda wax ku oolka ah ee kaabayaasha dhaqaalaha.

‘’Waxaan rabnaa in degaanada Puntland ay u sinaadaan xuquuqda, horumarka iyo waajibaadkaba, waxaa laga yaabaa mashriic badan oo dalka laga hirgeliyey aan soonkan waxbadan illaa iminka laga qabanin, ka cudurdaaran mayno laakiin waxaan sheegayaa oo aan rabaa inaan halkan ka cadeeyo in waddadani ay dhismi doonto Alle idinkii Insha Allah,” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Wuxuu intaas ku daray in dhismaha wadadan ku timid qorshaha dowladda ee isku tashiga islamarkaana ay bilaabi doonaan dhismaha sannadka cusub bilowgiisa.

“ Waddada Garoowe Taleex waxay ku dhismi doontaa isku tashiga dawladda Puntland iyo shacabkeeda iyo sidoo kale ciddii kale oo aanu la kaashan karnoba, laakiin waxaan rajaynayaa in sanadka bilawgiisa ay billaabato si deg degana u bilaabato Insha Alla” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhagax dhigan ayaa yimid xilli xukuumadda hada jirta ay u hartay hal sano oo kaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM