Puntland: Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya oo Garoowe yimid

Image

GAROOWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta soo gaaray magaalo madaxda Garoowe.

Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda oo horkacayo wasiirka Qorshaynta Puntland, ayaa soo dhaweyn ugu sameeyay magaalada Garoowe.
Hadal kooban oo ay warbaahinta ku siiyeen mid kamid ah hoteellada magaalada, waxay kaga warameen socdaalka wafdigan iyo arrimaha ay kawada hadli doonaan.

Shire Xaaji Faarax, oo ah wasiirka Qorshaynta Puntland, ayaa wariyaasha u sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada wafdigan heer Federaal ah ee soo gaaray Garowe, isagoo intaas ku daray inay kawada hadli doonaan arrimo ku saabsan wada-shaqaynta labada dhinac.

Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa isna tilmaamay inta uu joogo inay kawada hadli doonaan sidii loo hormarin lahaa wada-shaqaynta labada dhinac.

Labada mas’uul ma aysan soo hadal qaadin qorshe gaar ah oo ay kawada hadli doonaan, balse waxay tilmaameen inay dib kasoo sheeegi doonaan.

Waa markii ugu horaysay wasiir Jamaal uu yimaado magaalada Garoowe, waxaana socdaalkiisan uu kusoo beegmayaa xilli dhawaan wasiirro katirsan dowladda Federaalka ay booqashooyin ku imaanayeen iyagoo booqanaya xarumo, halka qaybtood ku qabteen shirar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM