Puntland: Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya oo Garoowe yimid

Image

GAROOWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta soo gaaray magaalo madaxda Garoowe.

Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda oo horkacayo wasiirka Qorshaynta Puntland, ayaa soo dhaweyn ugu sameeyay magaalada Garoowe.
Hadal kooban oo ay warbaahinta ku siiyeen mid kamid ah hoteellada magaalada, waxay kaga warameen socdaalka wafdigan iyo arrimaha ay kawada hadli doonaan.

Shire Xaaji Faarax, oo ah wasiirka Qorshaynta Puntland, ayaa wariyaasha u sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada wafdigan heer Federaal ah ee soo gaaray Garowe, isagoo intaas ku daray inay kawada hadli doonaan arrimo ku saabsan wada-shaqaynta labada dhinac.

Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa isna tilmaamay inta uu joogo inay kawada hadli doonaan sidii loo hormarin lahaa wada-shaqaynta labada dhinac.

Labada mas’uul ma aysan soo hadal qaadin qorshe gaar ah oo ay kawada hadli doonaan, balse waxay tilmaameen inay dib kasoo sheeegi doonaan.

Waa markii ugu horaysay wasiir Jamaal uu yimaado magaalada Garoowe, waxaana socdaalkiisan uu kusoo beegmayaa xilli dhawaan wasiirro katirsan dowladda Federaalka ay booqashooyin ku imaanayeen iyagoo booqanaya xarumo, halka qaybtood ku qabteen shirar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM