Puntland: Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya oo ku wajahan Baran

Image

GAROOWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Qorshaynta dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ku wajahan magaalada qaybo kamid ah gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalooyinka Baran iyo Dhahar.

Wafdiga wasiirka oo ay kamid yihiin mas'uuliyiin katirsan xukuumadda Puntland, saraakiil hore oo kasoo jeeda gobolkaas iyo madax katirsan dowladda Federaalka, ayaa lagu wadaa inay la kulmaan bulshada reer Sanaag.

Wararka uu safarkaas ka helayo Garowe Online, ayaa sheegaya in wafdigan oo ka amba-baxay saaka magaalada Garoowe, ay sii mareen wadada Ceel-Daahir oo dhismaheedu socdo, wuxuuna hadal goobtaas ka sheegay Wasiir Jamaal uu ku tilmaamay dhismaha wadadaasi inuu soo kordhin doono faa'iidoon badan islamarkaana uu kor u qaadi doono isu socodka bulshada gobolkaas iyo gobollada kale ee Puntland.

Wafdiga Jamaal ayaa iminka ku sugan deegaan u dhaxeeya Baran iyo Cawsane, waxaana caawa uu u hoyan doonaa magaalada Baran, taasoo ka dhigan inuu la kulmi doono qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono baahiyahooda iyo xaaladda guud.

Socdaalkan ayaa la sheegayaa inuu yahay mid wasiir Jamaal oo kasoo jeeda gobolka Sanaag uu ugu kuur-galayo xaalada deegaanada uu ku catalo dowladda Soomaaliya, wuxuuna noqonayaa wasiirkii ugu horeeyay ee booqda dhulkaas tan iyo xukuumaddii Milatariga.

Gobolka Sanaag ayaa  kamid ah meelaha ay ku mur-maan maamullada Puntland iyo Somaliland.

Safarka sidoo kale wuxuu kusoo beegmayaa xilli mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka ay maalmaha soo socda imaan doonaa magaalada Garoowe uu kusoo wajahanyahay Madaxweyne Farmaajo.

Warar ayaa sheegaya in Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya oo hadda safar ku jooga degmada Balad-Xaawo uu Khamiista soo socota imaan doono Garoowe, isagoo hordhac u ah wafdiga Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM