Puntland: Xildhibaano ka hadlay Colaadda Sool

Image

GAROOWE, Puntland- Labo kamid ah Xildhibaanada Barlamanka Puntland ee ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa maanta shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Garoowe, waxay uga hadleen xaaladda kacsan ee gobolkaas gaar ahaan, dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda deegaanka Tukaraq.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Barlamanka Puntland, Xuseen Xaaji Diiriye iyo Guddoomiyaha guddiga Amniga Saadiq Abshir Garaad, ayaa shir saxaafadeedkooda ku sheegay inay kasoo hor jeedaa daandaansiga ay Somaliland ka wado qaybo kamid ah dhulka Puntland, iyagoo tilmaamay inay diyaar u yihiin difaaca dhulkooda.

Diiriye oo hadalka ku horeeyay ayaa Somaliland ku eedeeyay inay daan-daansi qaawan dhulka Puntland ku hayso tan iyo 2004-tii, wuxuuna sheegay inaan wada-xaajood dambe laga gali doonin xaaladda maanta taagan oo uu xusay inay halkaan soo gaarsiisay dulqaadka iyo nabad jacaylka Puntland.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu fariin u diray Guddoomiyaha Barlamanka Somaliland oo uu sheegay inuusan waxbo ka ahayn halka uu ka hadlayo, isagoo ugu goodiyay inay ka abaal marin doonaan wuxuu ku hadlay.

Mudanahan ayaa sidoo kale baaq qaylo dhaan ah u diray beesha uu kasoo jeedo, isagoo ka codsaday inay iska qaadaan cadowga dul fadhiya islamarkaana xoreeyaan dhulkooda, wuxuuna tusaale ugu soo qaatay degmada Buuhoodle.

Isagoo sii hadlaya wuxuu Somaliland ku tilmaamay maamul bur-buriyay sidoo kale kala qaybiyay dadka ku nool gobolka Sool.

Dhinaca kale Xildhibaan Saadiq Garaad, ayaa Somaliland ku eedeeyay inay ka been sheegtay xuduudii Ingiriisku u xadeeyay, taasoo uu tilmaamay inay tahay xadka u dhaxeeya Sool iyo Togdheer. Wuxuu sheegay in xadka Somaliland uu yahay halka loo yaqaano Libida Gaatama uuna 10km galbeed ka xigo  tuulada Karin.

Hadalkan oo u muuqday mid soo daahay ayaa kusoo beegmay xilli mudanayaashan waqti dheer kamid ahaa golaha Barlamanka Puntland, aysan waxbo ka qaban dhibaatooyinka soo noq-noqday ee ka taagan gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM