Qaraxyo lagu qabtay magaalada Boosaaso

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Ciidamada ammaanka gobolka Bari, ayaa howlgal ay ka sameeyeen xarunta ganacsiga Boosaaso, waxay kusoo qabteen Qaraxyo iyo rasaasta loo isticmaalo Hoobiyaasha, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha gobolka.

Shir jaraa'id oo ay saxaafadda magaalada Boosaaso ugu qabteen taliska qaybta Booliiska gobolka Bari, ayay ku shaaciyeen inay soo qabteen Qaraxyo kuwa gacanta laga tuuro ah iyo raasaas.

Waxay intaas ku dareen inay gacanta ku hayaan raggii watay oo ay ku socoto baaritaan, dhawaana ay usoo gudbin doonaan warbaahinta xogta eedaysanayaashaas.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Gobolka Bari Axmed Jaraale, ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamadu ballaariyeen howlgalkooda magaalada Boosaaso, islamarkaana ay gacanta kusoo dhigeen dad badan oo laga shakiyay.

Faah faahin dheeraad ah kama aysan bixin halka laga soo qabtay qaraxyadan oo yimid xilli amniga magaalada Boosaaso uu aad u liito islamarkaana dhawaan lagu dilay Bambaanooyinka gacanta laga tuuro ciidamo katirsan kuwa ilaaliya Waddooyinka (Taraafiko).

Sidoo kale waxaa isku day dil ka bad-baaday todobaadkii hore taliyaha Dekedda magaalada Boosaaso.

Mallayshiyaad katirsan Daacish iyo Shabaab ayaa inta badan falal amni darro ka gaysta gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM