Qarjab: BBC-da waan kula xisaabtamaynaa waxay qortay [Dhagayso]

Image

BOOSAASO, Puntland- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garoowe, ayaa ka warbixiyay arrimo ku saabsan colaadda ka taagan gobolka Sool iyo qoraal dhawaan warbaahinta BBC-da ku qortay boggeeda Internet-ka.

Cabdi Xirsi, ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay ka shaqayso calqaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland, wuxuuna dhaq-dhaqaaqeeda ciidan ee Sool ku sifeeyay mid ay doonaysa inay ku khal-khal galiso socdaal Madaxweynaha Soomaaliya ku marayay deegaanada Puntland.

Wuxuu sheegay inay yihiin dad jecel nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, balse maamulka Hargaysa ay ka shaqeeyaan sidii ay dhibaatada dalkan ugu raadsan lahaayeen Ictiraaf, waa sida uu hadalka u yiriye wasiir Qarjab.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay garab siiso ururka Al Shabaab islamarkaana ay jiraan dagaal yahano kooxdaas kamid ah oo ay taageeraan.

Cabdi Xirsi, ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay qoraal dhawaan BBC-du ku daabacday Internet-ka islamarkaana ay kaga hadashay safarkii Farmaajo oo ay ku tilmaameen inuu halis ku ahaa amnigiisa, wuxuuna yiri, "BBC-da waan kula xisaabtamaynaa arrintaas, waxay qayb ka tahay khalkhal galinta Puntland."

Wasiirku wuxuu tilmaamay in laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ay aragti ka qaadan doonaan ka shaqaynteeda gudaha Soomaaliya, wuxuuna xusay inay tahay mid jecel xumaanta gobolkan.

Hadalkan ayaa yimid xilli wasiirku uu muddooyinkii dambe arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan Hindiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM