Sanaag: Wafdi DFS iyo Puntland isugu jira oo gaaray Baran

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Qorshaynta dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa galabta gaaray magaalada Baran, halkaasoo ay ku joogi doonaan booqasho qayb ka ah socdaal mas'uuliyiinta ku mari doonaan gobolka Sanaag.

Jamaal, waxaa socdaalka ku wehelinaya xildhibaano katirsan Dowladda Soomaaliya, Puntland, iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka.

Booqashadan oo noqonaysa tii ugu horaysay oo mas'uul heer Federaal ah islamarkaana kasoo jeeda gobolkaas ku tago Sanaag, ayaa ku saabsan u kuurgalidda xaaladda guud iyo qiimaynta baahiyaha bulshada.

Wasiirka ayaa kahor inta uusan gaarin Baran, wuxuu ku hakaday deegaanka Midigale oo uu ka dhagax-dhigay Saldhig Booliis. Wararku waxay intaas ku darayaan in wafdigan kulamo la qaateen Bulshada ku dhaqan deegaanada Cawsane, Midigale iyo Rad.

Mas'uuliyiintan ayaa sidoo kale la kulmay guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, waxaana wasiir Jamaal iyo xubnaha la socda bogaadiyeen sida howshu u socoto.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Garowe Online, ayaa soo dhaweeyay booqashada mas'uuliyiinta iyagoo tilmaamay in arrintan wax ka badali doonto xaaladda guud iyo aragtida dadku ka qabeen inaysan imaan karin wafdi heer Federaal ah.

Wasiirka iyo wafdiga la socda ayaa la filayaa inay u gudbaan dhinaca magaalada Dhahar ee isla gobolka Sanaag, halkaasoo ay kula kulmi doonaan, bulshada rayidka ah iyo odoyaasha dhaqanka iyagoo ka waraysan doona xaaladda guud.

Socdaalka Wasiir Jamaal ayaa dhabada u xaaray in Xildhibaano kasoo jeeda gobolkaas oo muddo aan booqan Sanaag kamid noqdaan wafdigaas, kuwaasoo socdaalkooda kusoo beegay xilli muddo kooban u hartay xukuumadda hadda talada haysa.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaalida ayaan boogan goobaha laga soo doorta ama ay kasoo jeedaan mudada ay xilka hayaan, si ay u ogaadaan ama wax uga qabtaan baahida deegaanadaas, waana tan keentay in gobolkan oo ay ku murmaan Puntland iyo Somaliland mas'uul katirsan DFS uu booqdo tan iyo dhicitaankii xukuumaddii Milatariga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM