Sarkaal katirsan Ciidanka Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Sarkaal katirsanaa Ciidamada amaanka dowladda Puntland ayaa caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Goob-jooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in rag bastooladu ku hubaysan ay toogasho ku dileen Maxamed Yuusuf Aadan Qaleey, oo sida la sheegay ahaa Taliyaha Keydka hubka magaalada Gaalkacyo oo lagu magacaabo Xero Inji.

Allah ha u naxariistee Taliye Qaleey ayaa waxaa la dilay xilli uu kasoo baxay goobtiisa shaqo kuna sii jeeday Hoygiisa. Dhaawac culus ayaa kasoo gaarey rasaasta jirka qeybaha sare looga dhuftay, taasi oo sababtay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka Sarkaalkan, balse waxaa uu kusoo beegmayaa xili dhawaan Gaalkacyo uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug kuwaasi oo ku diriray Suuqa magaalada.

Gaalkacyo waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo qaar ay aanooyin qabiil ku salaysan yihiin, halka kuwa kalena ay sheegato Kooxda Al Shabaab, ee xariir la leh Al Qaacidda.

Mas'uuliyiinta ayaa dhawaan dib isagu furay wadooyinkii dagaallada ku xirmeen ee magaalada, waxaana hadda laga howlgeliyay ciidamado isku u dhaf ah oo loo xilsaarey amnigeeda inay ilaaliyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM