Soomaaliya: Dagaal ka dhacay Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Iska hor imaad u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland, ayaa maanta oo Jimco ah waxa uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Goob-joogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in iska hor imaad uu barkhanimadii maanta ku dhexmaray labada dhinac Suuqa magaalada Gaalkacyo, waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu salka ku hayo arrimo la xiriira muran dhuleed iyo aanooyin qabiil. Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay mid kalena waa uu ku dhaawacmay Iska hor imaadka.

Odayaasha iyo Waxgaradka labada dhinac ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah oo lagu soo afjarayo colaadan soo laa laabatay ee dhiigga uu ku daadanayo iyo sidii heshiis dhaxalgal ah looga gaari lahaa.

Ciidamada Dowladda Federaalka ee dhowaan Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Gorod uu u xilsaaray in ay ka shaqeeyaan xasilinta Gaalkacyo ayaa kala dhex-galay labada dhinac dagaalkii maanta.

Colaadda Gaalkacyo oo mudo dheer soo jiitamaysay ayaa laguu guul-dareestay in la dhameeyo, iyadoo ay shaqeyn waayeen heshiisyo nabadeed oo ay gaareen hogaamiyaasha Puntland iyo Galmudug.

Colaada Magaalada Gaaalkacyo ayaa u muuqata mid ay faraha ka taagteen Dowladda Federaalka, Maamulada Puntland iyo Galmudug iyo Beesha Caalamka, maadaama dhowr jeer ay sameeyeen heshiisyo, welina aanay ka soo naasa cadaanin wax nabad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM