Soomaaliya: Sababtuu u Joogsadey Mashruuca Wadada Isku Xiri laheyd Jalam iyo Xarfo [XOG]

Image

GAROOWE- Waxaa gabi ahaanba joogsadey mashruucii lagu dhisayey qayb ka tirsan wadada isku xirta magaalo madaxda Garoowe iyo Galkaacayo kadib markii musuqmaasuq ay ku sameeyeen hay'adahii dowlada Puntland ku shaqo lahaa fulintiisa iyo shirkadii qaadatey qandaraaskaas.

Mashruucaan oo ay maalgalineysay midowga Yurub fulintiisana laheyd hay'ad Jarmal ah 'The German Society for International Cooperation (or, Deutsche Gesellschaft für Internationale Zusammenarbeit' (GIZ) ayaa markii qandaraaska la siiyey shirkad dhisme ee la yiraahdo Is-xilqaan waxaa la soo gudboonaadey dhibaatooyin la xiriira kasoo bixid la'aan lagu sameeyey qodobo muhiim ah kuwasoo markii hore heshiiska ay ku gashey shilrkaddaan loogu eexdey fullinta dhismaha wadadaan.

Warsidaha Garowe Online ayaa baaritaan buuxa ku sameeyey warar sheegaya in mashruucaan hirgalintiisa joogsadey kadib markii shacabka Reer Puntland qoraalo arintaan ay kaga hadlayaan ku baahiyeen baraha bulshada. Xogaha warbixintaan ku jira ayaa GO waxaa uu ka ogaadey dad xogogaal u ah mashruucaan kuwasoo diidey in aan xusno magacyadooda.

1-Shaqada guud ee Mashruucaan waxay ka koobantahay


Qandaraskaan ayaa shirkada is-xilkaan waxaa lagu siiyey dib dhiska 80 KM oo jid Laami ah kaasoo u dhexeyn lahaa Tuulooyinka Jalam iyo Xarfo iyadoo la dhisayo 48 God oo biyo mareen cusub ah (Culvert); iyo dayactirka ilaa 80 buundo oo horey u jirey

2-Guud ahaan shaqada ilaa hadda la qabtey


Waxaa Caro Buuxis lagu sameeyey Jidka u dhexeeya Buurtinle iyo Xarfo laguna qiyaasey 20km oo u dhiganta shaqadii la rabey 14.5% balse ma jirto wax laami ah oo la saarey ama Buundo la dhisey ama la dayactirey.

3- Mudada loogu talagaley in mashruucaan ku dhamaado


Mudadii heshiiska ee loogu talagaley in lagu dhameystiro mashruucaan ayaa waxay dhamaatey December 2017 iyadoo hay'ada wakiilka ka ah (GIZ) iyo midowga Yurub waqtiga ay ku dareen oo ahaa 5 bilood ay ka harsan tahay 2 bilood. Lacagta loogu talagaley mashruucaan ayaa sida warsidaha GO ogaadey in waqigeedu dhaceyo hadii aan laga faa'ideysan June, 2018.

4-Muranka taagan oo sababey in mashruucaan istaago


Waxaa jira muran iyo dacwado socdey muddo kuwasoo sababey iney gabi ahaan shaqadu istaagto. Hay'ada GIZ ayaa u aragtey in hay'adihii dowlada ee u xilsaarnaa mashruuca ay khalad ku difaacayaan qandaraaslaha ( Shirkada Is-xilqaan).

Qodobada dhaliyey iney shaqada la socon waydo waxaa kamid ah: 

A) Tayo Xumo ka timid shaqadii socotey; taasoo ay diideen kormeerayaashii mashruuca... sida

  1. Ciid Boor ah oo tayo-deedu aad u hooseeyso oo laga buuxshey jidka;
  2. Waxaa Qandaraasluhu keeney makiinad khaldan oo sameysay Jay-jajaban oo tayo-diisu aad u hooseyso ( Aggregate with over 85% fakeness) eeg sawirka hoose; 

Makiinada Jay-gaan sameysay ma buuxin shuruudihii laga rabey inuu noqdo tayadiisa.

Sida warsidaha GO ka xaqiqsaday xubno ka tirsan dallada engineroda Punland, oo aqoon u leh arintan, waxa Jira shaki iyo walaac sababi kara in dib loo bedelo Caro Kaawa-da lagu buuxshay Jidka 20km ah.. Maadama loogu talogalay sharciyan in bil gudahed la saaro laamiga.. Halka ay mudo 6 bilood ah taaley ciidaan, lana rumaysan yahay inay lumisay nafaqadii, hawoduna gashay.(The base gravel has lost the moisture and cohesion due to exposed sunlight and wind in more than 5 months period )

B- Qalabkii Laami saarka jidka; Dhismaha buundooyinka oo aysan shirkadu keenin waqtigey balanqaadey kuwasoo ilaa hadda qayb kamid ah dalka ka maqan tahay.

C- Injineerada dhismaha wadada ee lagu heshiiyey in Qandaraasluhu keeno waxay ahaayeen; 5 ajnabi ah kuwasoo joogto ah, shirkada Is-xilqaan magacyadooda iyo xirfadooda ku gudbiyeen markii mashruucaan ay u tartamaysay waxaana soo baxey in aan la keenin balse badalkooda la keeney nin maamule ah ( Project Manager) iyo 3 shaqaale hoose ah. Injinerka maamulaya mashruucaan ( Project Manager) oo magaciisa la yiraahdo Cali Nuur Afrax ayaa shirkadu ka keentey dalka Immaraadka Carabta halka shaqaale hoose ka soo kexeysatey xeryaha qaxootiga Yameniyiinta ay ku jiraan ee magaalada Boosaso.

Tayada Ciida lagu shubey dhismaha Wadadaan oo sababtey xitaa in Cagaftii ka shaqeyneysay ku dhiiqato

D- Fashil ku yimid doorka dowlada Puntland ay ku laheyd hirgalinta mashruucaan iyadoo deeq bixiye-yaashu dhibaato badan kala kulmeen iney fuliso balanqaad-yadii ay sameysay markii heshiiskaan la saxiixayey kuwasoo kala: Jarista dhirta iyo Jid KMG ah oo gaawaaridu sii marto inta la dhisayo wadada Laamiga ah; iyo Iney keento Injinero iyo farsamo yaqano qaada cabirka Wadadda (Survey) islamrkaana hubiya- taya-da Ciida iyo Jay-ga (Lab technicians).

Xadgubka Awoodeed iyo Isku day boob lagu sameeyo dhaqaalaha Mashruucaan


Xadgudubyadaan ayaa yimid kadib markii la isku dayey in lagu khasbo Kor-meerayaasha shaqada iney u saxiixaan qandaraaslaha lacagta shaqooyin aan weli la qaban; iyo in la kordhiyo tirada shaqaalaha ku howlan mashruucaan.

Waxaa meesha ka baxay isla xisaabtan iyo hufnaantii shaqo.... waxaa isku xirmey islamnarkaana isku aragti noqdey xubnihii dowlada ee u xilsaarnaa hubinta iyo tayada mashruuca iyo howl-wadeenadii qandaraaslaha ( Is-xilqaan) kuwasoo dhamaantood ah xubno kuwada xiran islamrkaana laga maamulo Madaxtooyada Puntland waxayna kala yihiin shaqsiyaadkaan:

1- Maamulaha mashruuca shirkada Is-xilqaan dhinaceeda (Project Manager) Cali Nuur Afrax

2- Mareeyaha hay'ada Wadooyinka Puntland Cabdirizaq Yusuf Cilmi

3- Wakiilka mashruucaan la socoshadiisa u qaabilsan Madaxweyne Gaas Cabdirizaq Ealay

Hay'ada Wadooyinka Puntland ( PHA) ayaa shaqadii ka joojisay mid kamid ah Injineeradii ilaalinta tayada  ( Quality Control) ee mashruuca halka mid kale iska casiley, kuwasoo lacagtooda ay bixineysay hay'ada GIZ, kadib markii ay diideen amaro ay u arkayeen khalad. Injineeradaan  ayaa hay’ada PHA ku badashay kuwa ay keentsatey. Injineeradaan ayaa waxay magacyadooda kala yihiin: 

Eng. Maxamed Axmed Siciid – ( Jacfar) 
Eng. Diini Cabdirizak Jamac- Waa iska casiley shaqada markaan isku daynay in aan waydiino sababta waa uu ka gaabsadey balse warar aan heley ayaa sheegaya in Mr.Diini la dhacsaneyn qaabka ay u socoto fulinta qandaraaskaan. 

Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ( Asbuucaan) ee lagu doonayey in mashruucaan dib loogu bilaabo.


Waxaa asbuucan yimid magaalada Garoawe; oo weli jooga Guddi xaqiiqo - raadis ah oo ka socda deeq bixiyaasha midowga Yurub kuwasoo si gooni gooni ah ula kulmay hay’ada PHA/contractor; Madaxtoyoda iyo bulshada kale ee wax ka og mashruuca…. Balse ilaa hada xogta aan ka helay iyo wararka ka soo baxaya ma fiicna.

Guddigu waxa uu maalintii 1-aad booqdeen xafiiska PHA ; si ay ula kulman madaxa PHA iyo shaqaleheeda balse waxaa diiday inuu qaabilo Mareeyaha Hay'adda.

Kadib xiriir Guddiga ka socdey Midowga Yurub la sameeyay xafiska PHA waxay dib ula kulmeen goor habaynimo ah Mareeyaha 'Hotel Grand" … Naiib daro halkay ka sugayeen madaxa PHA inuu keeno Shaqalhii hay’ada, waxa uu keenay xubno kale oo aan loogu talo-gelin shirkaas… sida Cali Nuur Farax - qandaraaslaha, Cabbdirisak Eelay  ( Madaxtooyo) iyo agaasimaha Madaxtooyada Puntland Cabdinisair Biixi… Muran dheer oo ka dhsahay arintaas kadib; shirkii waxaa uu ku dhamaadey.

Waftigaan xaqiiqo raadiska ah ayaa maalintii 2 aad waxay safreen degmada Burtinle ; si ay ula kulman Qandaraslaha & shaqalihiisa balse waxa soo raacay xubno aan loogu talo-gelin … sida Gudomiyahii PHA.

Waxaa jira warar sheegaya in Madaxweyne Gaas dalka Kenya u tagi doono waqti aan la cayimin si uu ula kumo midowga Yurub oo mashruucaan maalgalinaya.

Warsidaha Garowe Online ayaa baaritaan buuxa ku sameeyey warar sheegaya in mashruucaan hirgalintiisa joogsatey kadib markii shacabka Reer Puntland qoraalo arintaan ay kaga hadlayaan ku baahiyeen baraha bulshada. 

Warsidaha GAROWE ONLINE kala soco wararka ku soo kordha mashruuca lagu bixiyey dhismaha wadadaan.

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM