Taliye Dayr oo iska casilay ciidanka Daraawiishta Puntland

Image

GAROOWE, Puntland- Taliye ku-xigeenkii ciidanka qalabka sida ee Daraawiishta Puntland ayaa warqad is-casilaad ah u gudbiyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Sareeye Guuto Dayr Xaaji Cabdi, ayaa warqadda is-casilaada ku sheegay inuu ka tagay ciidanka sababo isaga u gaar ah.

Ma bixin faah faahin dheeraad ah oo la xariirta waxa xilligan kusoo beegay inuu ka tagay shaqadii uu ka hayay ciidamada Daraawiishta iyadoo waliba ay jirto xiisadd u dhaxaysa maamullada Puntland iyo Somaliland ee ka dhalatay qabsashaadii deegaanka Tukaraq.

Warar madax bannaan oo laga helayo ilo wareedyo ka agdhow ciidanka ayaa sheegay in taliye Dayr shaqada uga tagay duruufo haysta ciidankaas iyo daryeel la’aanta ka haysata xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa warqadda is-casilaadda ka Guddoomey inkastoo uusan wali ka aqbalin sida ay GO u sheegeen dad xog ogaal ah.

Cabashada ciidamada ee dhanka xuquuqda ayaa taagnayd tan iyo markii uu xilkan qabtay Madaxweyne Gaas sanadkii 2014 kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM