Taliye Dayr oo iska casilay ciidanka Daraawiishta Puntland

Image

GAROOWE, Puntland- Taliye ku-xigeenkii ciidanka qalabka sida ee Daraawiishta Puntland ayaa warqad is-casilaad ah u gudbiyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Sareeye Guuto Dayr Xaaji Cabdi, ayaa warqadda is-casilaada ku sheegay inuu ka tagay ciidanka sababo isaga u gaar ah.

Ma bixin faah faahin dheeraad ah oo la xariirta waxa xilligan kusoo beegay inuu ka tagay shaqadii uu ka hayay ciidamada Daraawiishta iyadoo waliba ay jirto xiisadd u dhaxaysa maamullada Puntland iyo Somaliland ee ka dhalatay qabsashaadii deegaanka Tukaraq.

Warar madax bannaan oo laga helayo ilo wareedyo ka agdhow ciidanka ayaa sheegay in taliye Dayr shaqada uga tagay duruufo haysta ciidankaas iyo daryeel la’aanta ka haysata xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa warqadda is-casilaadda ka Guddoomey inkastoo uusan wali ka aqbalin sida ay GO u sheegeen dad xog ogaal ah.

Cabashada ciidamada ee dhanka xuquuqda ayaa taagnayd tan iyo markii uu xilkan qabtay Madaxweyne Gaas sanadkii 2014 kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM