Ugaarsiga Diinka oo laga mamnuucay Puntland [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- War kasoo baxay wasaaradda Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland, ayaa looga hadlay warar ku saabsan inay jiraan dad u ugaarsi taga Duur Joogta gaar ahaan Diinka (Diin Diin).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Puntland, Cabdi Nuur Cilmi Koor, ayaa isagoo wariyaasha kula hadlayay magaalada Garoowe {04 Jannaayo, 2018], wuxuu sheegay in dowladdu tallaabo cad oo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto ciddii la qabto ama lagu helo dambi ah inay ugaarsanayso Xayaawanka Duurka ama baadiyaha ku nool.

Koor ayaa sheegay in wasaaraddu ka war-heshay inay jiraan dad raadinaya Diinka si ay ugu iib-geeyaan magaalada Muqdisho oo baryihii dambe uu aad ugu lahaa Suuq.

Agaasimaha ayaa intaas ku daray in horay u jiray sharci mamnuucaya in lag ugaarsado Ugaarta, balse Diinku kamid ahaa Xayawaanka ka nabad helay gacanta bini-aadamka.

Koor, ayaa fariin u diray dhammaan maamulka degmooyinka, ciidamada qalabka sida iyo ilaaliyaasha duur-joogta inay u istaagaan sidii loo ilaalin lahaa Xayawaankan.

Hadalkan ayaa kusoo aaday, xilli dabayaaqadii sannadkii hore ay soo baxday warar sheegaya in Xayawaanka Diinka loo yaqaano uu suuq ku yeeshay caasimadda Soomaaliya, islamarkaana loo sameeyay Saylad lagu kala iibsado, waliba la kala siisto lacag kor u dhaafaysa Boqolaal kun oo doollar.

Lama sheegin faa'iidada laga helay iyo sababta loo gadanayo, laakiin waxaa jira in shuruudo lagu kala xulanayo Xayawaanka taasoo lamid ah qaabka loo kala iibsado Geela, Ariga iyo Lo'da.

Diinkan ayaa wararka uu ka helay GO dad goob joog u ahaa kala iibsigiisa, waxay sheegeen in mid la gadanayo tijaabada uu maro ay tahay in la dul saaro taleefon kadibna hadii uu damo uu iib-yahay. Arrintan Warsidaha Garowe Online ma xaqiijin karo run ahaanteeda, balse waxaa hubanti ah in loo sameeyay suuq oo waliba uu dalabka iyo ugaarsiga xayawaankan uu ku fiday gobollada kale ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM