Ururka saxafiyiinta Puntland oo diidey colaada Tukaraq

Image

Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP waxa uu walaac ka muujinayaa xaalada coladeed ee ka soo cusboonaatay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, taasi oo khatar ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.

Waxaan ugu yeereynaa Dowladaha Puntland iyo Somaliland inay u maraan xalinta colaada gobolka Sool wadiiqo kasta oo ka hortageysa in dhiig dambe ku daato.

Waxa ayaan darro ah, ceebna inagu ah inaan aragno Saxafiyiin ka qayb qaadanaya hurinta colaada iyagoo ku baahinaya muqaalo, warbixino iyo qoraalo bogaga ay ku leeyihiin baraha xiriirka bulshada (Social Media).

MAP waxay xasuusineysaa Saxafigu inuu yahay ergayga nabada xiliyada xaalada colaadeedi jirto, waxana ay ku baaqeysaa in warbaahintu ka shaqeyso xasiloonida, islamarkaasina Saxafiyiintu ay dhowraan Anshaxa Mihnada.

Ugu dambeyn MAP ayaa ka codsaneysa Bulshada Rayidka ah inay nagu soo biiriyaan codkooda ololaha raadinta degenaanshaha, nabada iyo baajinta khasaare nafeed oo dhamaan masuuliyadi nagawada saarantahay.

Dhamaad

Media Association of Puntland (MAP)

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM