Wasiir Xoosh oo markale Garoowe u yimid arrimaha Dastuurka
GAROOWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha Federaalka dowladda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay weheliyaan xubno katirsan Guddiga la-socodka dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxa banaan ee Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe.
Wafdigan ayaa socdaalkoodu la xariiraa sidii ay magaalada Garoowe ugu qaban lahaayeen kulamo ku saabsan Dastuurka dowladda Soomaaliya oo uu socdo qorshe dib u eegis loogu samaynayo.
Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay wasiirro katirsan Puntland gaar ahaan wasaaradda Dastuurka.
Xoosh oo shir-saxaafadeed ku qabtay hotelka uu ka dagay magaalada Garoowe, ayaa sheegay inay dadka reer Puntland kala hadli doonaan sidii dib u eegis loogu samayn lahaa Dastuurka dowladda Soomaaliya ee wali qabyada ah.
“Waxaan ka mahadcelinayaa soo dhaweeynta diiran ee ay noo sameeyeen masuuliyiinta Puntland, sida aad ujeedaan waxaa si wadajir ah u socda sedexda Hay’ad ee ku shaqada leh Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka innaga oo u nimid sidii madaxda iyo shacabka Puntland aan uga talagelin lahayn Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka” ayuu yiri Xoosh.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dasturka, Maxamed Daahir Afrax iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Guddiga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Kaamil, ayaa sheegay inay qorshaynayaan sidii ay ula kulmi lahaayeen shacabka iyo hay'adaha dowladda ee arrinta khusayso, iyagoo intaas ku daray inay muhiim tahay kawada shaqaynta Dastuurka dalka.
Maaha markii ugu horaysay ee socdaal noocaan ah Garoowe ku yimaadaan mas'uuliyiin katirsan Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya ee uu horkacayo Xoosh, kaasoo lagu eedeeyay inuu af-duubtay arrimo ay shaqadiisa lahaayeen Guddi ka imaaanaya Barlamanka labada Aqal.
GAROWE ONLINE