Wasiirka cadaaladda Puntland oo kahadlay fikirka Gurxan ee calaaqaadka Iran

Image

15 January, 2016(GO)-Wasiirka Wasaaradda Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa kahadlay mowqifka wasiirkadda Madaxtooyada iyo xiriirka gobollada Puntland ee kusaabsan tallaabada calaaqaadka loogu jaray dalka Iran.

Salaax ayaa tilmaamay in arrimaha diinta wasaarad u xilsaarantahay, wuxuuna xusay in madhabka Shiicada meelna kasoo galin umadda Somaliyeed madaama ay yihiin dad Sunni ah.

Wasiirka cadaaladda oo khalad ku tilmaamay go'aanka Gurxan ayaa usoo jeediyay inuusan xilligan dhiiban karin fikir shakhsiyadeed balse uu matalayo shacabka reer Puntland.

Arrintan ayaa timi kadib markii Gurxan uu khalad ku tilmaamay go'aanka dowladda Somalia xiriirka ugu jartay waddanka Iran oo lagu eedeeyay Shiicaynta umadda Somaliyeed, waxaana mowqifka wasiirku noqday hadal haynta ugu badan ee umadda Somaliyeed.

Culimaa'udiinka waaweyn ee Garowe oo maanta kahadlayay Salaadda Jumcaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray wasiirka Madaxtooyada iyo Xiriirka gobollada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM