Wasiirka cadaaladda Puntland oo kahadlay fikirka Gurxan ee calaaqaadka Iran

Image

15 January, 2016(GO)-Wasiirka Wasaaradda Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa kahadlay mowqifka wasiirkadda Madaxtooyada iyo xiriirka gobollada Puntland ee kusaabsan tallaabada calaaqaadka loogu jaray dalka Iran.

Salaax ayaa tilmaamay in arrimaha diinta wasaarad u xilsaarantahay, wuxuuna xusay in madhabka Shiicada meelna kasoo galin umadda Somaliyeed madaama ay yihiin dad Sunni ah.

Wasiirka cadaaladda oo khalad ku tilmaamay go'aanka Gurxan ayaa usoo jeediyay inuusan xilligan dhiiban karin fikir shakhsiyadeed balse uu matalayo shacabka reer Puntland.

Arrintan ayaa timi kadib markii Gurxan uu khalad ku tilmaamay go'aanka dowladda Somalia xiriirka ugu jartay waddanka Iran oo lagu eedeeyay Shiicaynta umadda Somaliyeed, waxaana mowqifka wasiirku noqday hadal haynta ugu badan ee umadda Somaliyeed.

Culimaa'udiinka waaweyn ee Garowe oo maanta kahadlayay Salaadda Jumcaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray wasiirka Madaxtooyada iyo Xiriirka gobollada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM