Wasiiru dowlaha Waxbarshada Puntland oo ka horyimid Madaxweyne Gaas

Image

GAROOWE- Kadib markii maalintii shaley uu baaqdey go’aan golaha Xukuumada Puntland kasoo gaari lahaayeen qaraarkii Barlamanada Soomaaliya ku mamnuuceen shirkada DP World ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya sida qaar ka tirsan golaha Wasiirada maamulkaas uga horyimaadeen Madaxweyne Gaas.

Wasiiru dowlaha Waxbarshada Puntland Yaasiin Cabdi Seed oo kamid ah xubnaha ka tirsan xukuumada oo aad ugu dhow Madaxweyne Gaas ayaa waxaa cod bixin la qaadey shirkii golaha Wasiirada waxaa uu taageerey go’aankii Barlamanada Federaalka dalka ka mamnuuceen shirkada DP World. 

Seed ayaa wararku sheegayaan inuu go’aankaan ku raacey koox Wasiiro ah oo Madaxweyne ku xigeenka Puntland hogaaminayey kuwasoo sida la rumeysan yahay toos ugu xiran Villa Soomaaliya.

Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada ayaa sheegaya in talaabadaan Madaxweyne Gaas aad uga caroodey.

Yaasiin Cabdi Seed oo horey uga tirsanaan jirey Aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweyne Gaas dabada ka riixayey in muddo ah sidii uu xil siyaasdeed ugu sameyn lahaa isagoo u magacaabey xubin aqalka sare ka tirsan balse dib loogala noqdey kadib markii qof dumar ah lagu badaley xubinimadiisa.

Gaas ayaa Seed u magacaabey Wasiiru dowle ka awood badan Wasiirka Waxbarshada Puntland talaabadaas oo muran ka dhalisay Wasaraada. Warsidaha Garowe Online oo wax ka qorey musuqmaasuqa saameeyey habsami u socodka shaqada Wasaarada Waxbarshada magacaabistaa kadib ayaa waxay sababtey in la badalo Agaasimaha. Halkaan Ka Akhri 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM