Xildhibaan caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo [Fahfaahin]

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa caawa fiidkii lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Allah ha u naxariistii Xildhibaan Cabdixakiim Maclin Daahir ayaa lagu dilay nawaaxiga Classic hotel, halkaasi oo ay kusoo weerareen koox hubaysan oo aan heebtooda la aqoonsan wali.

Saraakiisha amaanka oo goobta gaarey ayaa sheegay in Xildhibaanka uu soo gaarey dhaawac kadibna loola cararay Isbitaalka GMC ee ku yaalla magaalada halkaasi oo ugu dambeyntii uu ku geeriyoodey.

Askari ilaalo u ahaa Xildhibaanka ayaa lagu dilay sidoo kale weerarka. Dableydii fulisay dilka ayaa goobta ka baxsatay kahor inta aysan Ciidanka amniga soo gaarin.

Xildhibaan Cabdixakiim ayaa mudo 6 sano ah kasoo mid ahaa Baarlamaanka Puntland, isagoo laga soo doortey gobolka Mudug, oo caawa magaalo madaxdiisa lagu dilay.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka, balse Kooxda Al Shabaab ayaa horey dilal noocan ah uga fulisay magaaladana kala qeybsan, oo sidoo kale ay ka dhacayeen dilalka aanooyinka la xiriira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM