Xildhibaan eedeeyay Puntland iyo Wasiir Raage oo u jawaabay

Image

BOOSAASO, Puntland- Xukuumadda Puntland gaar ahaan wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland, ayaa lagu eedeeyay inay ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatadii ka dhacday dekedda Boosaaso gaar ahaan doontii ku caariday xarunta gobolka Bari.

Xildhibaan katirsan Barlamanka Federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda Puntland, ayaa wasaaraddan ku eedeeyay inay qaab liita uga jawaab celisay dhibaatadii ku dhacday Doonta Al Xafiis, isagoo tilmaamay inay haboonayd inay xilka banneeyaan mas'uuliyiinta hadda joogay halkii ay iska difaaci lahaayeen.

Cumar Ismaaciil Waabari oo la hadlayay warbaahinta SBC isagoo ku sugan dalka Turkiga ayaa yiri, "Anigu ma aaminsani inay doorkeedi qaadatay Wasaaraddu hadalkeediina waan dhagaystay, laakiin waxay ahayd in Dekedda loo banneeyo doonta oo la bad-baadiyo Hantida Saaran, ma ahayn in loo diido."

Waabari oo sii hadlaya, wuxuu tilmaamay in markii masiibo noocaan ah dhacdo caalamka, madaxda xafiiska ku shaqada leh joogta ay Kuraasta banneeyaan, maadama ay muuqatay inay gudan waayeen Waajibaadkii loo igmaday.

Wuxuu ku baaqay in dowladdu gacan ka gaysato bad-baadin hantida shacabka ee saaran doonta Caariday, taasoo lagu qiyaasay inay gaarayso 7 Milyan oo doollar.

Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Dekedaha Puntland, Siciid Maxamed Raage, ayaa eedayntaas waxba kama jiraan ku tilmaamay isagoo sheegay in dowladdu qaadatay doorkeedii ku aadana sidii loo samatabixin lahaa hantida saaran Doonta.

"Dowladdu doorkeedii waa qaadatay, waxaan hogaaminay sidii hantida loo bad-baadin lahaa, waxaan ku howlnahay sidii aan u dabooli lahayn meelaha doonta biyuhu kasoo galayaan, Amnigii, matooro ayaan gaynay meesha iyo wixii kale oo musaacado ah," sidaas waxaa yiri Wasiirka Dedakaha iyo gaadiidka Badda Puntland.

Raage ayaa sidoo kale ka jawaabay hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waabari, wuxuuna yiri, "Xagga Xildhibaanada iyo Eedaynta nala ku wado gaar ahaan Xildhibaanka Beeshayda katirsan ee Cumar, waxaan leeyahay siyaasaddo Barbaar bay u baahantahay in loo soo bar-baaro maaha in Facebook iyo Idaacad looga hadlo, hormarka dalka Xil baa kaa saaran, waxaad mas'uuliyadeeda qaaday inaad mas'uul dalkan wax u keento," ayuu yiri Wasiir Siciid Maxamed Raage.

Raage oo sii hadlaya, wuxuu Xildhibaanka uga digay inuu ku mashquulo hormarka dalka ka socda islamarkaana ka shaqeeyo arrimo aan munaasab ahayn, isagoo ku sifeeyay mas'uul caadaystay inuu arrintan muddo badan ka hadlo.

"Laakiin maaha wixii la keenay iyo hormarkii socday inaad ku mashquusho, aad baan uga xumahay runtii inaan u jawaabo, waa markii 4aad baan u malaynayaa oo Cumar arrintaas ka hadlo."

Labadaan siyaasi oo isku beel ah ayaa waxaa horey uga dhexeeyey xiliftan siyaasadeed oo reerka dhexdiisa ah iyagoo khilaafkoodu kordhey markii Cumar Waaberi uu raadinayey xilka Xildhibaanka beeshiisa.

Siciid Maxamad Raage ayaa ah siyaasi ruug cadaa ah oo muddo dhexda kaga jirey siyaasada Puntland waxaana uu noqonaya shaqsiga kaliya oo ka tirsan beesha Dishiishe ee xilka Wasiirka hayey muddada ugu badan.

Cumar Waaberi waxaa uu ahaa ganacsade waxaana siyaasada uu si rasmiya ugu soo biirey kadib markii kursiga xildhibaanka aqalka hoose ku guuleystey doorashadii ka dhacdey Soomaaliya sanadkii 2017.

Waaberi ayaa kamid ah Xildhibaanada lagu tiriyo iney aad ugu dhowyihiin xukuumada Nabad iyo Nolol ee Ra’isal Wasaare Khayre kuwasoo ka difaaca aqalka Barlamanka siyaasadeeda.

Hadalka labadaan mas’uul is-waydaarsadeen ayaa kusoo beegmay xilli shacabka magaalada Boosaaso ay dedaal dheer ugu jiraan sidii loo bad-baadin lahaa Hantida Saaran doon lagu magacaabo Al Xafiis oo todobaadkan dhexdiisa ku caariday Boosaaso iyadoo siday alaab tiro badan oo ay ku jirto gawaari ay leeyihiin ganacsato reer Puntland.

Maaha shilkii ugu horeeyay ee ka dhacay Dekedda Boosaso, balse dhacdadan ayaa kusoo aaday xilli amni xumo baahsan ay ka jirto xarunta ganacsiga Puntland, taasoo ilaa hadda wax tallaabo ah aysan ka qaadin Laamaha ammaanka iyo xukuumadda intaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM