XOG: Taliyaha Booliiska Puntland oo ka Digey Amaanka Guud ee Maamulkaas

Image

GAROOWE- Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Puntland S/GUUTO Cabdulaahi Shire[Dool] ayaa kulan uu la qaatey saraakiil ka tirsan Dowlada ka digey guud ahaan amaanka magaalooyinka waaweyn ee hoos yimaada maalmulkaan.

Wararka GO ka helayo kulankaan ayaa sheegaya in taliyaha cusub ka dayriyey xaalada ay ku sugan yihiin ciidamada Booliiska gaar ahaan kuwo magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Sareeye Guuuto Cabdulahi Shire Dool ayaa sida xogtaan sheegeyso u sheegay saraakishaan in loo baahan yahay 100 askari oo sugta amaanka magaalo madaxda Garoowe madaama ciidamada booliiska ee jira aysan u diyaarsaneyn ilaalinta amniga.

Dalabka Taliyaha Booliiska ayaa ku soo beegmaya xilli xaalada amni sugida guud ahaan Puntland xumaaneyso gaar ahaan magaalo madaxda oo ay dhexyaacayaan ciidamo kala duwan kuwasoo kamid ah kuwo Tuulada Tukaraq ku horfadhiya Somaliland.

Xaalada Koox Al- Shabaab oo baxsatey


Magalaada Garoowe ayaa waxaa maalintii shaley ka baxsadey gurri la sheegey in lagu dhaqan celinayo koox Al- Shabaab ah kuwasoo la sheegey in tiradoodu gaareysay 13 xubnood.

Wararkii ugu dambeeyey oo laga helayo baadigoob kooxdaan loogu jiro ayaa sheegaya in la qabtey 4 kuwasoo ku lumey baadiyaha ku dhow Garoowe.

Baxsashada kooxdaan la sheegey in lagu dhaqan celinayey guri ku yaal bartamaha Garoowe ayaa sida warsidaha GO wararka ku helay waxaa sahley qaar ka tirsan Ilaalada xaruntaas.

Maamulaha mashruuca lagu qaatey in lagu dhaqan celiyo kooxdan argagixisada ah, ahna ganacsade aad ugu dhow Madaxweynaha Puntland Cabdifatax Maxamad Sugule ayaa bartiisa Facebook qoraal uu soo dhigey ku beeniyey inuu ku lug leeyahay howsha ka socota Gurigaas.

“Waxaa kaxumahay warka Garowe online iga qortay ugana shaabadeeyay in aan maxaabiis hayo ayna fakadeen waa war been ah iyo dacaayado raqiis ah, waana wax laga naxo runtii dacaayadaas sababi kartna in ay dhib ii soo jiito.” Sidaas waxaa ku soo qorey bartiisa Facebook Cabdifatax Suggele oo iska fogeynaya ku lug lahaan-Shaha mashrucaan.

Warsidaha Garowe Online ayaa warbixin uu ka qorey baxsashada maxaabiistaan maalintii shaley ku sheegey in mashruuca la sheegey in lagu dhaqan celinayo kooxdaan hay’adda UNICEF siisey ganacsade Cabdifatax Maxamad Suggele Halkaan ka akhri 

Dowada Puntland oo iyadu sahashey in maxaabiistaan laga soo saaro xabsigii lagu hayey islamarkaana qaabilsaneyd ilaalinta kooxdaan ayaa weli wax hadal ah kasoo saarin baxsashada kooxdaan.

Maxaabiista lagu qabtey dagaaladii Alshabaab ku soo qaadey Garacad iyo Suuj ayaa kuwooda ka yar 18 jir waxaa lagu tirakoobey iney ahaayeen 15 halka musuqmaasuq lagu sameeyey la gaarsiiyey 40 maxbuus si loogu qaato mashruucaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa horey xabsiyada uga sii daayey kooxda Al shabaab xubno ka tirsan kuwasoo qaarkood lagu xakumey dil.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM