16-ka kursi ee horseeday dib u dhaca doorashada Soomaaliya

Image
Doorashada Soomaaliya ayaa lagu waday in la qabto 25-ka bishan February balse waxaa dib loogu dhigay 15-ka bishan March.

KISMAAYO, Jubaland – Doorashada Soomaaliya oo waqtigeeda dib uga dhacday ayaa wajaheysa dabeylo xooggan kadib markii mar kale uu muran ka dhashay doorashada xildhibaanada federaalka ee ka socota magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ee Jubbaland.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka ka soo jeeda ayaa dalbanaya in xarunta doorashada loo wareejiyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose iyaga oo tusaale u soo qaadanaya amni darrada ka jirta gobolka iyo saameynta uu ku leeyahay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hay’adda NISA oo gobolkaasi kala wareegtay maamulkii rayidka ahaa.

Falanqeeyayaasha ayaa rumaysan in “faragelin Farmaajo ku hayo doorashada gobolka Gedo” ay sababtay muran ka taagan doorashada 16 kursi oo noqday mid ka mid ah caqabadaha keenay dib u dhaca doorashada walina aan xal laga gaarin.

Doorashada Soomaaliya ayaa lagu waday in la qabto 25-ka bishan February balse markii ugu horeysay ayaa dib loo dhigay 15-ka bishan March.

Hanaanka dadban ayaa ah in ergada ay u codeeyaan 275 Xildhibaan oo Aqalka Hoose ah halka sharci-dejinta dowlad goboleedyada ay dooranayaan Senatarada Aqalka Sare, taasi oo hadda la soo gaba gabeeyay.

Marka la soo gabagabeeyo doorashada Aqalka Hoose, labada gole waxay u codeyn doonaan madaxweynaha xiga. Si kastaba ha ahaatee, doorashada Aqalka Hoose ayaa wali la soo gabagabeyn, maadaama 175 xubnood oo kaliya la doortay.

Muddo kordhinta cusub ayaa ahayd in la ogolaado in xildhibaanada dhiman la soo doorto. Doorashada baarlamaanka federaalka, maamul-goboleed kastaa wuxuu leeyahay laba goob-doorasho si ay isu dheelli tiraan matalaadda beelaha.

Heshiiskii qalinka lagu duugay September 2020-kii waxaa lagu heshiiyay in doorashada lagu qabto labo deegaan doorasho dowlad goboleed kasta, balse illaa iyo hadda ma jirto hal meel oo ay doorasho ka dhacday oo aanan ahayn caasimadaha dowlad goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM