21 milyan dollar oo laga waayay khasnada dowladda Soomaaliya

Image
Lacagtan ayaa waxaa la sheegay in la waayay intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa waxa uu shaaca ka dhigay in khasnada dowladda laga waayay lacag gaaraysa 21 Milyan oo dollar.

Siddal aga soo xigtey qoraal uu soo saarey Hantidhowrka, lacagtan ayaa waxaa la waayay intii u dhexeysay (08 March 2018) ilaa (19 April 2023).

Bayaanka ayaa waxa uu intaas ku daray in dadka lacagtan lagu tuhmayo ay isugu jiraan madax iyo shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah oo xiriir wadashaqeyneed la leh hay’daha dowladda ee Baaristu khuseyso.

Lacagtan ayaa si gaar ah waxaa looga waayay xafiisyadda afar waaxood oo ka tirsan Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya, Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Bangiga Dhexe iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Waaxyahan ayaa kala ah; Waaxda bixinta ruqsadda shaqada ee shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Waaxda kordhinta dal ku joogga shisheeyaha ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda
Maaliyadda, Waaxda adeegga shagaalaha shisheeyaha ee Bankiga Dhexe iyo Waaxda adeega shaqaalaha shisheeyaha ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Soomaaliya ayaa waxay safka hore kaga jirtaa liiska wadamadda sameeya musuqmaasuqa kuwaas oo mas’uuliyiinta ay lunsadaan xoolaha dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM